Nigeria Oo Maanta La Filayo In Lagu dhawaaqo Natiijada Doorashadii Madaxweynenimo ee Dhacday
Abudja:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Maanta ayaa la filayaa in la shaaciyo Natiijooyinka Hordhaca ah ee Doorashadii madaxtinimo ee Dalka Nigeria ka dhacday Laba maalin ka hor.
Xarunta guud ee la isugu geynayo codadka oo ku taalla magaalada Abuja ayaa haatan waxa soo gaadhaya codadkii laga soo gudbiyay gobollada dalka Nigeria oo dhan, iyadoo isu geynta tirooyinku si habsami ah ilaa iyo haatan usocdaan.
Sidoo kale, guddiga doorashada ayaa sheegay inuu baadhayo sababihii ay u shaqeyn waayeen qaar ka mid ah qalabkii lagu codaynayay doorashooyinka, taasoo dib u dhac ka dhashay ay sababtay in maalin kale lagu daro cod-bixinta.
Waxaa aad loo amaanay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida ay dadka reer Nigeria codkooda u dhiibteen.
Xogahayha Guud ee QM Banki Moon, Midowga Afrika iyo waddamada ururka goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaana ka mid ahaa dhinacyada u soo jeediyay ammaanka dalka Nigeria
Ururka ECOWAS ayaa ugu baaqay masharraxiinta inay deggenaasho dheeri ah muujiyaan haddii ay dhacdo inay ka shakiyaan natiijadana ay codeynta; isla markaana ay cabashooyin-kooda giijiyaan intii ay rabshado sameyn lahaayeen.
Xaaladda ayaa aad uga duwan sidii la maleynayay, lama sheegin dhacdooyin amni-darro ah oo saamayn ballaadhan ku keeni kara doorashada.
Inta badan dadka waxay isha iyo dhagtuba ku hayaan telefishanada iyo idaacadaha si aanaay u seegin natiijada sida weyn loo sugayaa.
SDN/QJ