Nickolas Kay Oo Sheegay In Uu Ka Walaacsanyahay Xadhiga Wariyayaasha TV-ga Universal
Muqdisho,5Oct,2015(QJ/SDN)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Amb. Nick Kay ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay xadhiga wariyaasha iyo xarunta Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay Mr.Kay In loo baahanyahay in warbaahinta Soomaaliya ay xor noqoto inta ay socoto qaban-qaabada doorashada 2016-ka. Nickolas kay ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada Ee Twitterka.
Dhawaan ayay ahayd ka dib markii dowladda Soomaaliya ay irridaha u laabtay Xarunta Tv-ga Universal ee magaalada muqdisho iyadoo sidoo kalana xidhay laba ka mid ah shaqaalaha Tv-gaasi.
Ugu danbeyntii, Ururada Saxaafada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa canbaareeyay xadhiga warbaahinta iyo wariyaasha Tv-ga universal.