Nicholas Kay oo soo dhaweeyay dhaarinta baarlamaanka cusub ee gobolada dhexe
Cadaado,June,23,2015(SDN/QJ)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweyneyso dhaarinta baarlamaanka cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug oo lagu qabtay Degmada Cadaado….
wuxuuna yidhi “Waxaan u hambalyeeynayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen
(Odowaa) Guddiga farsamada iyo odoyaasha dhaqanka ee gacanta ka geystay in uu miro dhalo Nidaamka ku aadan hirgelinta Federaalka, waxaan rajeynayaa in inta ka dhiman shirka maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe uu guul ku dhamaado.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay jadwalka dhameystirka maamul u samaynta iyo dooroshooyinkaMaamulka gobolada dhexe ee dalka.
SDN/QJ