|

Nicholas Kay oo Socdaal ku tegay Baydhabo & Guddoomiye Jawaari oo Qaabilaad dhaqan u sameeyay

Baydhaba 09.Sep 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku qaabbilay, kuna soo dhaweeyey Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wefti uu hoggaaminyo booqasho shaqo ku tegay Baydhabo.

??????????Ujeeddada Socdaalka Danjire Kay iyo Weftigiisa, sida loogu qaabbilay Baydhabo iyo waxa ay ka wadahadleen Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Kay, waxa lagu faahfaahiyey War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews u dhignaa sidatan:-

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan wafdi uu hogaaminayo ay ku sugnaayeen gobolka Baay ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Nicolos Key.

Kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Danjiraha Qaqaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyagu ah guddiga farsamada maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed waxaana kulanka looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isagu ah Madaxa Xafiiska UNSOM Nicolos Key oo kulanka markii uu soo gebageboobay ka dib la hadlay Saxaafadda, ayaa ku ammaanay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu isugu howlay isfahmka iyo heshiisiinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo islamarkaana uu waqti uu ugu huray waxaana uu dhanka kale tilmaamay in QM ay si buuxda u garab taagan tahay natiijooyinka dadaallada socda ee Gudoomiyaha Baarlamaanka hormuudka ka yahay.

GuDdoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa uga mahad celiyey QM taageerrada ay ballan qaaday iney la garab taagan yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay in inta uu kulanka socday looga hadlay halka ay marayaan dadaallada maalmihii lasoo dhaafay uu u joogay magaalada Baydhabo oo hada meel wanaagsan maraya.”

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Comments are closed