|

Nicholas Kay Oo Safar Saddex Cisho ah Ka Dib Dardaaran Dusha u Saaray Hoggaanka iyo Bulshada Reer Puntland

Garowe:23-Nov-2013(SDN)-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa soo gabagabeeyay socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku joogay deegaanada Puntland.

reenErgayga ayaa Kulamo Kala Duwan la qaatay Madaxweynaha, musharixiinta Jagada Madaxweyne, Madax dhaqameed iyo Xubno ka Tirsan Bulshada Rayidka ah.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabila arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo Saxaafada kula hadlay Hotelka International Village, ayaa sheegay in hogaanka dhaqanka Puntland,Musharixiinta iyo dowlada Puntland ay kala hadleen arrimaha Doorashada,xilli Puntland ay kusoo fool leeyihiin Doorashooyin la filayo inay dhacaan horaanta sanadka 2014.

 

‘’Waxaan ka wada hadalnay Doorashada,taas oo ay sugayaan dad badan oo aad u danaynayaan,muxuu yahay Doorka UN-ka,waa in Soomaaliya aan joogno aan ka taageerno xoojinta nabadda iyo dhismaha Dowad Goboleedyada,sidaa darteed waa na xiiso galinaysaa inaan aragno oo aan taageerno Doorasho Cadaalad ah oo ka dhacda Puntland’’Ayuu yidhi Kay.

 

Wuxuu intaas ku daray in saddex maalmood ka dib oo uu la kulmay Xubno ka tirsan dowlada Puntland,hogaanka dhaqanka ,Musharixiinta iyo qaybaha Bulshada.

 

‘’Saddex bari ka dib Puntland waxaan la kulanay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka,Musharixiinta,Bulshada rayidka ah iyo Xukuumadda,waxaan dhiiri galinaya in xaaladu ay si wannaagsan u socoto,si loo gaadho Doorasho wannaagsan January oo u dhacda Nabad,Cadaalad iyo xoriyad’’ayuu yidhi.

 

 

Waxa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay in Haweenka loo Kordhiyo Kootadii sanaddii 1998-kii looga qoondeeyey Baarlamaanka, isagoo sheegay in loo Baahan yahay in tiradaas la laba jibaaro.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed