New York: Golaha Amaanka oo cunaqabatayntii Hubka ka qaaday Soomaaliya
New York 06, March 2013 (SDN)- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inay cunoqabatayntii hubka ee Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda New York.
Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo 15 xubnood ka kooban, waxay ku dhawaaqeen qaraarkan ay ku qaadeen cunaqabatayntii hubka oo 21 sannadood saarnayd Soomaaliya, kadib markii la saaray sannadkii 1992.
Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2093, waxay xubnaha Golaha Amaanku ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, kaasoo si kumeel-gaadh ah muddo sannad ah ay cunaqabataynta hubka ugaga qaadeen Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Amaanku wuxuu ogolaaday in hawlgalka ciidamada nabad-ilaalinta Afrikaanka ah ee AMISOM waqtiga joogistooda Soomaaliya la kordhiyo ilaa dhamaadka bisha February ee sannadka soo socda ee 2014.
Qurbejoog.com, New York