|

Netherlands: “Qoxootiga Soomaalida ee qaatay dhaqanka Holland la mustaafurin maayo”

Amesterdam Aug 23,2012(SDN)- Wasiirka soogelootiga ee dalka Holland  Gerd Leers ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay qaadashada dhaqanka reer Yurub waxa uu sheegay in Soomaalida weydey sharciga dalkiisa aan dib loogu celindoonin dalkoodii Hooyo hadii ay qaateen dhaqanka Holland.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadkaasi ay dil ku muteysan karaan dhaqan rogankaasi hadii ay gacanta u galaan kooxda Al Shabaab.

“Hadalkaaga ama hab dhaqankaaga oo laga dareemo in aad leedahay dhaqanka Holland waxaad ku muteysan kartaa dil”ayuu yiri  Gerd Leers.

Goaankan ayaa waxa ka faaideysan doona dhalinyarada ama dadka mudada joogay Holland ee la qabsaday dhaqanka dalkaasi.

Maxkamada sare ee dalkaasi ayaa dhawaan xukuntay in aan Soomaalida dib loogu celin kareyn dalkooda bacdamaa xaalad amaan xumo ay weli halkaa ka jirto.

Ilaa 300 oo ruux oo Soomaali ah oo dalkaasi ku nool ayaa ku guul dareystay in qaxootinimo loo aqoonsado.

Dadkaas ayaa ah qaar in la mustaafuryi mudo ka dagaalamayay balse ay xukuumadu dhawr jeer isku dayday in ay dalkooda dib ugu celiso.

SDN-Amesterdam
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed