Nelson Mandela oo Cisbitaalka ka baxay iyada oo xaaladiisa caafimaad aaney sidii hore waxba dhaamin
Johannesburg Sept 02,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee dalka Konfur Africa Nelson Mandela ayaa cusbitaal uu dhawr bilood haatan ku jiray laga saaray.
Mandela oo xaalad caafimaad oo soo noqnoqotay ay cusbitaalka dhigtay ayaa haatan aqalkiisa waxa uu ku sii qaadan doonaa daweyntii cusbitaalka uga socotay.
In Mandela haatan cusbitaalkii isaga baxay ayaa waxa bulshada u soo bandhigay madaxweynaha dalka Konfur Africa Jacob Zuma.
Qoyska Nelson Mandela iyo taageereyaashiisa caalamka ku kala nool ayaa si weyn u soo dhaweeyay in Mandela haatan ku sugan yahay Aqalkiisa.
Madaxweynihii madoobaa ee u horeeyay ee ay Konfur Africa yeelato ayaa haatan 95 jirsaday kiyoo cusbitaalka ku jiro.
SDN-Johannesburg
contact@somalidiasporanews.com