Nayjeeriya oo cafis u fidisay sarkaal hore lacag malaayiin doollaar aheyd meel u musuqmaasuqay
Bayelsa Mar 14,2014(SDN)-Dawlada Nayjeeriya ayaa cafis u fidisay nin ay xulufo weyn ay ahaayeen madaxweyne Goodluck Jonathan kaasi oo lagu helay inuu isdhafiyey lacag gaadhaysa malaayiin doollaar.
La taliyaha madaxweynaha Nayjeeriya Mr.Doyin Okupe , ayaa sheegay badhisaabkii hore gobolka Bayelsa state, Mr.Diepreye Alamieyeseigha la cafiyey iyadoo sababtuna ay tahay ninkaasi oo qaranka wax weyn usoo qabtay.
Kooxaha mucaridka ayaa talaabadaasi ku tilmamay mid dib u dhac weyn ku ah dedaalka weyn ee lagu doonyo in lagu xakameeyo musuqmaasuqa regaadiyey wadankaasi Nayjeeriya.
Mr.Doyin ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay wadanka Ingiriiska sanadkii 2005tii- isagoo ku eedeysnaa inuu ku kacay xatooyo hanti dadweyne , hase ahaate waxaa uu kasoo fakaday wadanka Ingiriiska isagoo dib ugu soo laabtay Nayjeeriya, halkaasi oo markii dambe lagu xidhay, waxaanu noqonayaa badhisaabkii ugu horeeyey ee lagu xidho falal musuqmaasuq ah.
SDN-Bayelsa
contact@somalidiasporanews.com