|

Nawaz Shariif oo mar kale hantay kursiga Raiisul Wasaaraha Bakistaan

Karachi May 2013(SDN)-Raiisul wasaarihii hore ee dalka Bakistaan ayaa mar kale hantay kurigiisii ka dib Doorashooyin si weyn looga qeyb galay oo dalkaas ka dhacay,

Nawaz Shariif ayaa guushan ku dhawaaqay ka dib natiijooyin horu dhaca oo la shaaciyay.

Waxa magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi lagu arkayay taageereyaasha Xisbiga Shariif ee Muslim League oo isu soo baxyo sameynayaa.

Doorashooyinkan oo si weyn loogu soo baxay isla markaana ay ku tartamayeen axsaab faro badan ayaa si weyn caalamku il gaara ugu hayay.

“Waa in aanu Eebe u mahad celinaa in Xisbiga ML ku guuleystay doorashooyinkan”ayuu yiri Mr Shariif.

Amniga dalka Bakistaan ayaa si weyn loo sugay oo waxa kumanaan ciidamada Bakistaan ka mid ah ayaa lagu daadiyay wadooyinka dalkaasi.

SDN-Karachi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed