|

NATO oo mar kale lagu eedeeyay in ay Shicib ku laayeen Afgaanistaan

Kunar Sept 09,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in weerar duyuuradaha ciidamada NATO ay ku qaadeen degaanka Kunar ay ku dileen dad shicib ah.

Karzia ayaa sheegay in uu sidiihoreba canbaareynayo in ciidamada shisheeye ee dalkiisa joogaahi ay si sharci daro ah ku laayaan shacab.

Weerarkan oo ka dhacay egaanka fog ee xadka la leh Bakistaan ee Qura ayaa waxa ku dhintay dumar iyo caruur la socotay gaari kuwa rakaabka ah oo halkaa marayay.

Afhayeenka NATO 1st Lt. AnnMarie Annicelli ayaa sheegtay in weerarku ahaa mid lagu bartilmaansaday oo lagu khaarijiyay ilaa 10 dagaalyahan oo Taliban ah.

Si kastaba ha ahaatee weerarada duqeynta ah ee reer Galbeedku qaadaan ayaa caro badan ka dhaliya dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan.

SDN-Kunar

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed