|

NATO oo kordhisay mudada hawgalada ladagaalanka Burcad-badeeda,berigana ka dagaalami doonta

Burssels April 14,2012(SDN)-Xulafada NATO iyo Midawga Yurub ayaa isla qaatay in la kordhiyo xiliga hawlgalada la dagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida.

Hawgalka reer Yurub oo la yidhaahdo Atlanta ayaa mudada loo kordhiyay oo waxa uu socon doonaa ilaa dhamaadka sanada 2012ka.

Mudo kordhinta waxa weheliya iyada oo ciidamadana la faray in ay ka dagaalamaan Beriga iyaga oo kaa shanaya masuuliyiinta Soomaalida.

Sidaana waxaa lagu sheegay qoraal ay reer Yurub soo saareen ka dib kulan ay dhamaadkii bishii hore yeesheen.

“La dagaalanka Burcada iyo waxyaabaha sababta u ah ayaa sal u noqon doona hawgalkeena Geeska Africa”sidaa waxa lagu yidhi qoraal ay ku sexeexan tahay Madaxa sare ee EUda Catherine Ashton.

Tilaabadan ay isla qaateen reer Yurub ayaa waxa walaac ka muujiyay xeeldheereyaasha xaalada Soomaaliya.

Talaabadan ayaa waxa ay sababi kartaa in ay ku kordhiso colaad dalkan la daala dhacaya masiibooyinka kale ee ay ka midka yihiin Gaajada iyo Cudurada.

Burcad badeeda ayaa lacago xad-dhaafa ka qaada Maraakiibta Gacantooda gasha,halka milkiileyaasha maraakiibta isaga goosha baddaha Soomaalida ay Burcadu ganacsigooda u geysato khasaare Balaayiin lagu qiyaaso.

SDN-Brussels

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed