Natiijada Weerar Ismiidaaamin ah Oo Goordhaweyd Lagu Qaaday Xarunta Shirka Cadaado
Cadaado:June,18,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanka Cadaado oo uu kasocdo shir maamul lagu samaynayo, ayaa waxa kooxo naftood hurayaal ahi ku qaadeen weerar ismiidaamin ah oo qasaarayaal kala badani ka dhasheen.
Dabley hubeysan oo watay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Weerar ku qaaday Dhismaha Kafaalo uu kasocdo Shirka ayna dagan yihiin Odayaasha iyo Ergayda ka qeyb galeysa Shirka Maamul u sameynta .
Qaraxa gaadhi kadib ayaa la sheegay in Dabeyda hubeysan ay damceen in ay gudaha xarunta galaan balse waxaa la sheegay in ay toogteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalo ka hayay xarunta la weeraray ee Kafaalo.
Sida aan Wararka ku heleyno waxaa dhamaan la dilay ragii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado, waxaana hada dagan xaalada xaruntaasi iyadoona ciidamada Itoobiya ay si weyn amaanka u adkeynayaan.
Ma jiro war madax bannaan oo kasoo baxay cid ka baxsan xogaha aanu hayno, iyadoo weerarkaasina u egyahay kuwii ay Al-shabaab qaadi jireen.
Shirka cadaado, ayaa haatan muran badani ka dhex aloosnaa, waxana Kooxaha Ahlu Sunna iyo Dawladdu isku afaran la’aayeen Sida wax loo wadi doono.
SDN/QJ