|

Natiijada kulan dhexmaray Ururada Xaqsoor iyo Wadani

Hargeysa Dec 25 2012(SDN)-Ururada siyaasada ee Wadani iyo Xaqsoor ayaa dhawaan Hargeysa ku yeeshay kulan horu dhaca oo ay uga arinsanayeen xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Ururadan ayaa ka mid ahaa ururo iyo axsaab dhawaan ku tartamay doorashooyinkii degaanka ee Somaliland.

Ururka Wadani ayaana ka mid noqoday sadexda xisbi Qaran ee dalka.

Kulanka oo yimi ka dib doorashadii Maayarka iyo ku-xigeenka magaalada Hargeysa ayaa xogaha ka soo baxaya waxa ay tibaaxayaan in aan la isku afgaran qodobadii ay ururka Xaqsoor la shir tageen.

Ma cada in wadahadalada labada dhan ay halkaa ka sii socon doonaan iyo in kale,mana jiro balano danbe oo ay labada dhan qabsadeen sida ay ilo wareedyo kulanka ka qeybgalay ay somalidiasporanew.com/qurbejoog.com u xaqiijiyeen.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed