|

Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Oo Maanta Lagu Dhawaaqay + 10-Ka Arday Ee Ugu Sareeya Dugsiyada H/Dhexe Iyo Sare Ee Dalka Iyo Gobollada Ay Kasoo Kala Jeedaan DAAWO

Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QXafiiska imtixaanaadka Qaranka iyo wasaaradda waxbarashada JSL ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay natiijadii Imtixaanaadka ee sanad dugsiyeedkii 2015/2016

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md Daa’uudAxmed Faarax oo la hadlay saxaafadda waxa uu sheegay in tirade guud ee sanadkan u fadhiisatay imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee dalka ay ahaayeen shan iyo toban kun iyo labaatan Arday oo wax ka baranayey 357 school, waxaana hadhay oo ka dhacay imtixaanaadkii dugsiyadadhexe arday gaadhaysa 643 arday, halka ay gudbeen oo baaseen arday tiradoodu ka badan tahay 14377 oo arday.

Dhanka kalena dugsiyada sare ee dalka oo tiradoodu gaadhayso 108 school waxaa imtixaan ugu fadhiistay arday gaadhaysa 9911 arday kuwaas oo 312 ka mid ahi  ay ku dhaceen imtixaanka isla markaan ay gudbeen ardaydii kale oo tiradoodu gaadhayso 9599 arday.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadku waxa kale oo uu sharaxay ardayda kaalimaha koowaadu gashay imtixaanaadkaasi iyo schoolada ay wax ka bartaan.

Comments are closed