|

Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Dalka Jabuuti iyo Madaxweyne Geelle Oo Ku Guulaystay

geele

Madaxweyne Geelle Oo Markii Afraad is dooranaaya


Jabuuti (GM) – Natiijada hordhaca ah ee doorashada dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegaysaa in madaxweyne Geelle markale ku fadhiisan doonno kursiga madaxtinimo ee dalkaasi, isagoona ka guulaystay shantii murashax ee kale.

Madaxweyne Geelle ayaa xilka madax-tinimo ee dalkaasi hayay muddo ku siman 17-sanno waana markii Afraad oo la sheego in uu ku guulaysanayo doorasho dalkaasi ka dhacda.

Mucaaridka dalka Jabuuti ayaa markiiba shalay dhaliilay qaabka ay doorashadu u socoto, inkastoo goob-joogayaasha caalamka iyo safiirada dalkaasi ay sheegeen in ay doorashadu si fiican u socoto.

Natiijada hordhaca ah ee illaa hadda la ogyahay ayaa sdidan u dhigan;

1- Madaxwayne Geelle 86.68%

2- Cumar Cilmi Khayre 7.32%

3- Maxamed Dauud Shixin 2.28%

4- Maxamed Muuse Cali 1.53%

5- Xasan Idiris Axmed 1.39%

6- Jamac C.raxman Jamac 0.79%

Comments are closed