|

Natiijada Hordhaca ah ee Dadkii Iska Diiwaangeliyey Gobolada Somaliland Iyo Sida ay Goboladu u Kala Bateen DAAWO

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa Shalay Soo bandhigay Natiijada Hordhaca ah ee Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha Somaliland.

Lixda Gobol ee Waaweyn ee Somaliland ayaa Natiijada Hor dhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu waxay Tilmaamaysaa in Gobolka Maroodijeex uu Kaalinta Kowaad Yahay Halka Gobolka Sool uu Kaalinta Lixaad Cidhiidhsaday.

Gobolka Maroodijeex: 312, 634 oo Qof

Gobolka Saaxil: 78,842 oo Qof.

Gobolka Togdheer: 178,506 oo Qof.

Gobolka Sool:71,096 oo Qof.

Gobolka Sanaag: 85,222 oo Qof.

Gobolka Awdal: 147,031 oo Qof.

Wadarta guud ee dadka isdiiwaan galiyay guud ahaan Somaliland ayaa ah : 873,331 oo Qof.

Comments are closed