|

Natiijada Cilmi-baadhis Jaamacad London Ku Taallaa Ku Samaysay Somaliland

London:25-Nov-2013M(SDN)-Horumarka Tallaabo Tallaabada ah ee Somaliland ka Jira ayaa Waayadan Dambe Noqday mid soo Jiita Indhaha Waddamada HOrumaray ee Yurub.

natiijoJaamacad ku taalla Magaalada London ayaa Cilmi-baadhis ay Somaliland ku samaysay lagu ogaaday inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya amaanka iyo horumarka, inakstoo hore xaqiiqooyin caddeynaya jirin.

Cilmi-baadhis ay hogaaminaysay, Dr Laura Hammond, oo madax ka ah qeybta aqoonta horumarka ee SOAS, jaamacada London ayaa sheegtay in isbedelo badan oo Somaliland ka dhacay ka dhasheen natiijada shaqadii hay’ada miino-baadhista Denmark qabatay

 

Dr Hammond oo ka hadlaysay natiijada ka soo baxday cilmi-baadhistan ayaa sheegtay inkastoo hore loogu arki jiray taageero caalami iyo mid miisaaniyadeed oo badan keeni karaan horumar iyo amaan, balse aanu jirin xaqiiqooyin caddeynaya, waxayna tidhi. “Dhab ahaan, waxa jira waxyaalo badan oo saamayn ku yeesha helitaanka horumar iyo amaan wanaagsan. Laakiin, waxa xaqiiq noqotay in marka bulshadu xasilooni dareemaan, ganacsi badan suuqu yeelanayo.”

Waxay raacisay, “Amaanku micno kala duwan ayey u leedahay raga iyo dumarka, cilmi-baadhistani waxay muujisay muhiimada dumarku ugu arkaan in amaanku u leeyahay naftooda iyo guud ahaan bulshada, iyo sida taasi uga dhigan tahay isbedelkooda.”

 

Dr. Hammond, ayaa sheegtay in natiijada cilmi baadhistan ay raaciyeen talooyin ka baxsan yihiin waajibaadka hay’ada DDG, balse saamayn ku leh amaanka iyo horumarka bulshada. Waxaanay tidhi, “Helitaanka iyo u samaynta xeyndaab berkadaha iyo ceelasha, si aan caruurtu ugu dhiman. Samaynta leydhadhka qoraxda ku shaqeeya ee wadooyinka, si amaanka habeenkii u wacnaado, ganacsiguna wakhti badan u shaqeeyo habeenkii oo shaqo abuur keeni karta.”

Maadama shaqo-la’aantu sababto xasilooni-darada, abuuritaanka waxbarasho xirfadeed iyo shaqo abuur baahsan ayaa lagu soo xidhay talooyinkii ka soo baxay cilmi-baadhistaa.

Sida ka muuqata cilmi-baadhistan, waxa wali taagan in horumarka Somaliland uu si gaabi ah u socdo, isla-markaana uu ku socdo xawaare gaaban oo aan ahayn midkii la filayey.

 

 S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed