|

“Nasiibdaro waxa weeye Dadka Ku Xeeran Axmed Siilaanyo Ayaan Diyaar U Ahayn Inay Doorasho Dhacdo….” Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga

Hargaysa, 07 Fev 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekedaha, Jamhuuriyada Somaliland, ee xukuumada Siilaanyo, Maxamed Yaasiin Xasan, oo waraysi khaas ah siiyay ayaa ka xog-waramay xaaladaha siyaasadeed ee uu dalka Somaliland marayo wakhti xaadirkan, waxa laga filan karo mustaqbalkan dhow, waxaanu si khaas ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda, waxaanu hoosta ka xariiqay hadii ay doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xilliga loo qoondeeyay in wixii ka yimaada ay masuuliyadooda dhabarka u ridan doonto xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, sidaanna waxa uu ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Telefishanka Royal Tv.

maxamed-yaasiin-150x150Ugu horayn isaga oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi”Masuuliyada doorashada waxa iska leh dawlada immika jirta ee Somaliland, haddii ay qabsoontana ammaanteeda iyadaa iska leh, hadii muddadii loo qabtay ay dhici weydana dembiga waxa iska leh xukuumadda, haddii cid aan iyada ahayn farta ay ku fiiqdana sida maatna jirta oo kale waxad mooddaa inay ka meermeerayso. Nasiib daradda Odayga (Axmed Siilaanyo), ku dhacday waa dadka ku xeeran ayaan diyaar u ahayn inay doorasho dhacdo, waxanad moodaa inay hoggaankii waddanka ku fashilmeen oo ay doonayaan in muddo kordhin loo sameeyo

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekedaha, Jamhuuriyada Somaliland, ee xukuumada Siilaanyo.”Ayuu Maxamed Yaasiin Xasan waxaanu hadalkiisii sii raaciyay ” Waxa aan aaminsanahay hadalkaa maanta ka soo baxay Boqor Buur-madow,in aanu Boqor Buur-madow, naseex u ahayn in uu odaygu kursiga kusii raago, waayo haddii uu leeyahay isku beel baanu nahay cid kale ayaa ka hadli lahayd, somaliland beelina kaligeed madaxweynaha waxba uma kordhin karto, sida uu imika ku wadana, haddii la leeyahay bahashii waa la qabsaday waa wax kale. Waxana aan ogahay in hadalkaas uu Boqorka usoo dhiibay Guddoomiyaha Guurtida ee Saleebaan, ninka arrintaas wadaana waa Saleebaan oo waa la Hubaa, waxana fadeexad ah inuu Boqorku ku baano oo yidhaahdo Guurtidiina waa noo diyaar, ninka ugu daran ee Beelnimada wada ee muddo kordhinta wada ee leh golihii Guurtidaan halkan ku hayaa waa Guddoomiye Saleebaan Gaal,

Maxamed Yaasiin Xasan, oo ka hadlayay waxqabadka uu sheegto in uu qabtay Axmed Siilaanyo, ee uu is leeyahay waa lagugu dooranayaa iyo beelaha darafyada”Axmed Siilaanyo haddii uu leeyahay wax baan qabtay waa inaanu shacabka ka baqan, sababta shacabka looga baqayaana waa beelihii darafyada ee Sool iyo iyo Awdal ayaan gacanta lagu haynin,” .

Comments are closed