|

Naqdin : Warbixinta IRI ay ka diyarisay Somaliland

Dhawaan ayaa Macadka caalamiga ah ee Jamhuuriga (International Republican Institute) waxa uu soo saaray sahan cilmiyeed  (Survey)uu ku eegayo argtiyaha ay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeedu ka aaminsan yihiin arimo badan oo ay ka mid tahay siyaasada Somaliland, arimaha dhaqaalaha iyo arimo kale oo saamayn ku leh nolol maalmeedka dadwaynaha ku nool  magaalada Hargeysa. Waa markii ugu horaysay ee ogaalkayga uu urur caalami ahi isku dayo ururinta iyo qiimaynta aragtiyaha dadwaynaha deggan magaalada Hargeysa. Dadwaynaha oo aragtiyahooda si cilmiyaysan loo ururiyo islamarkaana natiijadda aragtiyahaas mujtamaca loo soo bandhigaa waa hab ilbaxnimo oo mudan in la soo dhaweeyo laakiin waxa iyana muhiim ah in ururinta aragtiyahaas iyo soo bandhigidoodaba loo maro hab cilmiyaysan oo aan shaki galinayan natiijada ka soo baxda daraasadaas.

Daraasadan uu hadaba macadka IRI soo saaray waxa ku jira qaladaad waayayn oo shaki galinaya qaybo muhiim oo ka mida natiijadda ay daraasadani soo bandhigtay. Waraqadani waxa aan ku eegi doonaa qaar ka mida qaladaadkaas, sidaas oo kale waxa aan akhristaha kula wadaagi doonaa qaar ka mida nitiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay daraasadan.

Yaa Diyaariyay Daraasadda

Daraasadan sida aan kor ku soo sheegnay waxa iska leh oo kharashkeeda bixiyay Machadka IRI. Machadkani waxa uu u igmaday diyaarinta iyo isku dubariddida sahan cilmiyeedkan shirkada la yidhaahdo Opinion Research busineess (ORB). Ururinta xogta waxa diyaariyay urur maxaliya oo la yidhaahdo Data and Research Solutions (DARS).

Hanaanka Daraasadda

Intii u dhaxaysay Sebtember 28-keedii ilaa Oktoober 8-deedii ayaa waxa uu ururka DARS su’aalo waydiiyay dad gaadhaya 600 oo qof oo deggan magaalada Hargeysa. Dadkaas su’aalaha la waydiyay oo si bakhtiyaa nasiib ah (random) loo doortay ayaa waxa ay isugu jireen rag iyo dumar ay da’doodu ka wayntahay 16 jir oo degan dagaanada doorosho ee ay magaalada Hargeysa ka koobantahay.

Faalaynta  Daraasada

  1. Isu Dheeli tirnaanta dadka la waraysatay (unbais Sample): Si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo waa in dadka ka qaybgalaya daraasadu ay noqdaan dad isu dheeli tiran oo matali kara qaybaha uu mujtamacu ka kooban yahay oo dhan. Isku dheelitirkaasi kama muuqdo daraasadan. Tusaale ahaan hadii aynu dadka ka qaybgalay daraasadan u kala jabino taageerayaasha 3-da xisbi qaran ee Soomaliland, waxa kuu soo baxaya in ay  kala ahaayeen 332  (55%)taageerayaasha Kulmiye, 89 (14%) taageerayaasha Ucid iyo 95 (15%) taageerayaasha Udub. Isudheelitirnaan la’aanta sidan oo kale ahi waxa ay saamayn wayn ku yeelatay qiimaynta uu macadkani ku sameeyay waxqabadka xukuumada uu hogaaminayo xisbiga xaakimka ah ee Kulmiye. Si loo helo isu dheelitirnaan waxa ay ahayd in la isticmaalo ugu yaraan cadad u dhaw taageeradii uu  xisbi waliba ka helay doorashadii madaxtooyada ee June 2010 ama kuwii ka horeeyay. Hadii sidaas la yeeli lahaa waxa suurtagal ahaan lahayd in ay ka soo baxdo daraasadan natiijo u dhaw waaqicu. Taasi waa ay seegatay qolada daraasdan samaysay.Su’aalaha ay daraasadani isku dayday in ay ka jawaabto laakiin sababaha aan kor ku sheegay awgeed aan loogu kalsoonaan karin waxaa ka mida su’aalaha ay ka midka tahay “ Yaa ka masuul ah in Somaliland ay dhinica toosan (right direction) ku socoto?”.  Hadii  dadka su’aashan ka jawaabayaa  ay yihiin dadka aan taageeradooda xisbi kor ku sheegnay, way iska cadahay in ay jawaabtu ay noqonayso xukuumada iyo madaxwaynaha. Waana sida ka soo baxaday daraasdan.

  2. Jawaabo iska hor imanaya: Daraasadda waxa ka muuqda jawaabo iska hor imanaya (tanaaqud) oo ay ka qaybgalayaashu ka bixinayaan su’aalo isku mida oo la waydiiyay. Tusaale ahaan mar waxa ay ka qaybgalayaashu si aqlabiyad ah u sheegayaan in aanay dawladdu baahiyaha dadwaynaha wax wayn ka ogayn isla markaana aanay waxba ka qabanayn baahiyahooda (55%-bogaa-22aad), hadana in yar ka dib waxa aad ku arkaysaa natiijada iyaga oo si aqlabiyad ah ay dadka la waraystay u sheegayaan in ay dawaladdu baahiyaha dadwayanaha sida tacliinta iyo caafimaadka ay wax wayn ka qabanayso(eeg bogogga 21-24 ee darasadan).    
                       
    Markasta oo ay hadaba lunto isku miisaamida dadka ka qaybgalaya daraasdaha noocan oo kale ah, waxa iyana la lunta kalsoonida natiijadaas ka soo bixi karta. Sidoo kale hadaanay su’aaluaha la waydiinayo dadku aanay cadayn waxa badanaya iska horimaadka jawaabaha ay ka qaybgalayaashu bixinayaan. Sidaas daraadeed inkasta oo ay arimo badan daraasadani faalaysay, hadana natiijadu ma aha mid cilmiyan lagu kalsoonaan karo sababta aan soo sheegay darteed.

  3. Arimo kale  : Marka laga soo tago nuqadooyinkaas hore, waxa ay daraasadani soo bandhigtay arimo badan oo ay ka mid yihiin

    1. Kalsooni wayn oo dadka dagan Hargeysa ay ku qabaan nabadgalyada ay haystaan (95% ayaa kalsooni wayn ku qaba nabad galayada ka jirta magaalada)

    2. Sidoo kale dadka la waraysatay intooda badani  (89%) waxa ay muujiyeen in ay rajo togan ka qabaan in mustaqbalka dhow uu dhaqaalahooda shakhsi isbadal wayni ku dhaco.

    3. Daryeelka caafimaadka (51%) iyo biyaha (46%) ayaa ugu wayn baahiyaha reer Hargeysa.

    4. Inta badan dadka la waraystay waxa ay sheegeen in aanay dawladu baahiyahooda asaasiga ah wax badan ka ogayn isla markana aanay waxba ka qabanay sidii ay horumar ugu samayn.

    5. Dadka aragtidooda dhiibtay intooda badan waxa ay arkaan in qadiyada ictiraaf la’aantu ay tahay mushkilada ugu wayn ee maanta hortaagan Somaliland.

    6. Adkaynta nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha, tacliinta,caafimaadka iyo biyaha ayaa ah arimaha ay dadka la waraystay  u arkaan in ay muhiim tahay in ay dawladu wax ka qabato. 
    7. Dadka codkooda bixiyay waxa ay si aqlabiyad ah u muujiyeen kalsoonida wayn ee ay ku qabaan masaajidka iyo culimada (80%) sidoo kale waxa ay aqalabiyad ku muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan oday dhaqameedyada (59%)

    8. Dadka ka qaybgalay daraasadan oo 80% ay xubna ka yihiin xisbiyada hada jira waxa ay intooda badan arkaan in aan xibiyada Somalilanda laga badain inta ay iminka yihiin.

    9. Dadka ka qaybgalay waxa ay sidoo kale muujiyeen in khibrada iyo tacliinta hogaamiyaha siyaasadeed  (42%) ay ka muhuumsan tahay qabiilka uu ka soo jeedo hogaamiyahaasi.

    10. Inkasta oo ay dadka ka qaybgalay daraasdani ay 80% ahaayeen taageeraasha 3-da xisbi ee iminka jira hadana 64% waxa ay sheegeen in ay ama go’aanasadeen amaba laga yaabo in ay badalaan xisbiga ay iminka taageeraan.

Gabagabo

Inkasta oo daraasadan uu ku baxay juhdi iyo kharash badani, sidaas oo kaleetona inkasta oo daraasadan ay ku jiraan arimo  badan oo xiiso lihi hadana isu dheeli tir la’aanta dadka la waraystay oo aan si cilmiysan loo dooran ayaa waxa ay daraasadan ka dhigtay mid dhinac u janajeedha oo aan arimaha ay qiimaysay sida siyaasada, taageerada axsaabta, warfaafinta iwm ka dhigtay mid aan lagu kalsoonaan karayn. 

Siciid Cali Axmed  BA  Statistics

said.ali.ahmed@gmail.com

Comments are closed