|

Nairobi: Raysul-wasaare Raila Odinga oo qaabilay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Nairobi 6, June 2012 (Qurbejoog.com)- Raysul-wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa maanta kulan la yeeshay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo maalmahan socdaal ku joogay caasimadda dalkaas ee Nairobi.

Sida la sheegay, wasiiradan oo kala ah; wasiirka Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka Khaarajiga Somaliland Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, waxa qaabilay Raysul-wasaare Odinga.

Warku wuxuu intaa ku daray, in labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, isu-socodka labada dhinac, nabadgelyada gobolka Geeska Afrika iyo arrimo kale, iyadoo dhowaana lagu wado in Madaxweynaha Somaliland socdaal ku tago Kenya, ka dib markii uu Raysul-wasaare Odinga martiqaad u fidiyay.

Xubnaha wasiirada ah ee kulanka la yeeshay Raysal-wasaare Odinga, waxa dhinacooda kulanka ku weheliyay Mr. Maxamuud Cabdullaahi Jaamac (Sifir) oo dhowaan loo magacaabay wakiilka Somaliland ee Kenya.

Qurbejoog.com, Nairobi

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed