Nairobi: Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo u midoobay Kenya danteeda (WARBIXIN)
NAIROBI, Apr 20, 2013 (SDN/CFM)- Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuruu Kenyatta iyo Raysul-wasaarihii hore Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay markii u horaysay si caam ah loo arkay iyagoo wada jooga tan iyo codbixintii doorashada ee 4-tii March 2013 ka dhacday dalkaas.
Madaxweyne Kenyatta iyo Mr. Odinga waxay balanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta dalkooda Kenya.
Intii ay ka qaybgalayeen aaska Xoghayihii Guud ee Isutaga Macalimiinta Kenya (KNUT) David Okuta, labada hoggaamiye waxay sheegeen in dalku u baahan yahay in loo midoobo horumarintiisa.
Kenyatta oo tan iyo intii uu xafiiska la wareegay lugtiisa ku tegay Nyanza oo uu Mr. Odinga ku xooggan yahay, wuxuu sheegay inuu dhisi doono dawlad ka tarjunta rabitaanka Kenya.
Labadda hoggaamiye ee Uhuru iyo Raila iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Mr. Kalonzo Musyoka, waxay todobaadkii hore wada-hadalo gaara ku yeesheen Guriga Qaranka. “Dimoqraadiyad caadi ah, waxaanu ka qaybqaadanaa tartanka siyaasadda, laakiin siyaasaddu maaha caddaawad. Marka siyaasaddu dhamaato, dhamaantayo willal iyo gabdho waxaanu nahay walaalaha dal isku mida oo la yidhaahdo Kenya, waxaynanu u baahanay inay isugu tagto,” ayuu yidhi hoggaamiyaha qaranka Kenya. “Wadajir u shaqeeya, si aynu u dhisno qarankeena,” ayuu yidhi Kenyatta.
“Waxaan doonayaa inaan ku xaqiijiyo in dawladdaasi; hadday tahay gobol ama kooxba, waxay u tahay [dawlad] inka badan 40 milyan oo dadweyne oo ku nool gudaha dalkan. Waxaynu u shaqaynaynaa wadajir, si aynu u xaqiijino in horumarkaas laga dhabeeyo dhinac kasta oo dalkan ah,” ayuu raaciyay.
Siday ku warantay Capital FM, Hoggaanka Qaranku wuxuu ku celiyay ku dheganaantiisa la xidhiidha lagu dhiiriyo in hoggaamiyeyaasha siyaasada ku kala qaybsamay guud ahaan ay u taagnaadaan midnimo dheeraada. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu samaynayo booqashooyin uu ku tegayo dhamaan 47-ka gobol.
Dhankiisa, Raysul-wasaarihii hore Raila Odinga wuxuu sheegay in dalku u baahan yahay inuu mid dib u heshiiya iyo inuu gaadho ahmiyadihiisa horumarka. Wuxu shaaciyay inuu horeba ugu dhaqaaqay qorshahaas, kadib markii lagaga adkaaday Doorashooyinkii Guud ee Kenya ee la qabtay horaantii bishii hore ee March.
“Arrinta ugu muhiimsani waxa weeye, in qarankani dib ugu midoobo, horena u socdo. Waxaanu tartan la mida [doorashadii March] la galay Madaxweynihii hawl-gabay Mwai Kibaki, laakiin markale wadajir baanu u shaqaynay,” ayuu hoosta ka xaqiiray.
Qurbejoog.com, Nairobi