|

Naftaa igu kaa qasbeysee, uma qalantid Caashaqa! (Qaybti 2aad)

Markii uu arkay Cabdala inantii oo ka soo baxaysa Dukaankii ayuu farxad darted u qaadan waayay.  Intuu kadaba tegay ayuu salaamay markaasu ku yidhi Abaayo see tahay, waxay tidhi waa fiicanahay.  MarKasuu sheeka u bilaaway iyo inuu doonayo inay isarkaan si ay arimo u gaar ah uga  wada shekaystan.  Taasoo oo ku macneeyay barashada guud waa tan imika laakin ta gaar ahaan ba ka fiican, markaa waxan jeclaan lahaa inaan si gaar ah isu barano.  Waxay ugu jawaabtay Abowe waa ku fahmay laakiin anigu waqti ma haayo oo mashquul baan ahay ee iga raali ahaw , iyadoo ku degdeg san gurigoodii si alaabti loo diray ay u gayso. Wuxu isku dayay Cabdala isagoo khibradiisa isticmaalaya inuu ku qanciyo dalabkiisa , laakiin may aqbalin oo way ka cudurdaaratay.

Halkaasu, nasiib daro, Cabdala oo caga jiidaaya, niyad jabwayna ku dhacay ka dhaqaaqay meeshii,  isagoo waliba aan quusan oo inantii dib usii jaleecaaya socodkeedii macaana , iyo quruxdeedi kale aan hore u sheegnayba sii milicsanaaya.  Markii ay libidhay ayuu isku qanciyay inuu meesha ka dhaqaaqo, waxanu markiiba dareemay in niyadjab daraadii iyo caloolxumo aanu u socon karine uu u baahanyahay meel uu ku yara nasto.  Wax yar ka dib wuxu fadhiistay meel aan sidaa uga fogayn meeshii oo ah (bibito) ama makhayad yar oo cuntada fudud iyo shaaha cuno.  Halkii buu ku fadhiistay kursi banaanka yaala, markuu cabaar fadhiyay ayaa yarkii shaqaalaha ahaa ku yidhi walaal maxaad cabaysa.  Wuu maqli waayay ilayn waan nin fekeraaya e , markaasu marlabaad ku soo noqday uu yidhi, walaal maxaad cabaysai. Cabdala marka kadib yarkii ku yidhi koob shaaha.

Toban daqiiqo kadib ayay inantii gurigoodi gaadhay oo alaabti dukaanka ay ka keentay ay Madbakha (Jikada) dhigtay, iyadoo ka fekeraysa ninkii kula kulmay dukaanka hortiisa wuxu aha.  Isla wax waxooga kadib markii shaahii casariyiaha Abaheedna uu ka cabay ayuu suuqa u baxay. Markaasay reerkii inay furan oo dhegaystaan Radiyihii, ayaa markiiba waxa soo galay Barnaamujkii imaqashii I madadaali oo ay si darandooriya u akhrinaayaan Cabdala Nuradin iyo Luul Cali Hassan (Luula), waxay ku bilaabeen inay soo daayaan hees aad u macaan oo loo yaqaan, sida ” Canabka Beeraha” waxay ahayd runtii heestaasi heesaha ugu eryada iyo laxankaba fiican.  Waxa erayada heeska Alifay Abwaanka loo yaqaan Dheeg oo hadda ku jira golaha Guurtada ee Somaliland, iyo laxanka oo uu sameyay Hassan Gereey, oo ka mid raga sameeya laxamada kuwa ugu wanaagsan imikana degen magaalada Muqdisho.  Sidaan lawada socona Cabdala wuxu ahaa hal abuure markaa, intaan heesti la soo dayn ayuu heesti macnahay xambaarsanthay kala dhig dhigay heeskaasoo ahaa jacayll waxana qaada Fananka weyn Mohamed Ahmed Kuluc iyo Fananaadii weyneed ala ha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool.  Markay maqashay Nuradiin hadalkiisi ayay runtii aad uga heshay codkiisa macaan iyo sida uu barnaamujkaba u wado.

Mudo laga joogo ila laba wiig, ayaa waxa dhacday in  Cabdala iyo nin ay saaxiib yihiin oo maraya Xafiisyo ay dawlada hoose ku lahayd oo loo yaqaanay Xamarweyne.  Waxay markaliya indhuhu qabteen inantii ama (Gabadhii) waa qof ba sidii u yaqaane ee u jeclaa oo Xafiis hortiis taagan  Hooyadeed iyo islaan kalena ay gudaha Xafiiska ay ku jiraan.  Markiiba ninkii saaxiibkii ahaa ayuu ku yidhi waar qoftan baan la kacayaa ee aan hadhaw isu imaano ( oo macnaheedu yahay inantan baan doonaya inan la sheekaysto ee hadhaw ha inoo ahaato).

Ninkii saaxiibkii ahaa markiiba wuu iska baxay si uu ninkan fursad uu Inanta (Gabadha) ku la hadlo uu u helo.  Markiiba inantii ayuu salaamay iyaduna way ka qaaday.  Markaasu ku yidhi oo qofyahay manta waad soo dheeraataye markaasay tidhi ha oo hooyana Xafiisyadan dawlada hoose arrimo kaga xidhnaayeen baan la socday , sidaasaan imika banaanka u taaganahay. Markuu cabaar la sheekaystay Cabdala Inantii wuxu fahmay inay inantu maanta sidii hore ka furfurantahay.  Markii ay cabaar shekaysteen ayuu ku yidhi Abaayo waqtigu waa inugu yaryahay hooyana way soo bixi kartaa, dee aan maalin kale balano.  Waxay ugu jawaabtay ka waran khamiista soo socota.  Markaasu ku yidhi xageed jeceshay waxay tidhi waxa aniga ii fiican Jardiinada  (waa beer la fadhiisto oo kuraas dhagaxa leh) noo dhaw ilaa adigu Afarta galabnimo.

Intuu macasalaameyay, ayuu markiiba meesha si dhakhsa ah ugaga dhaqaaqay isagoo doonaya inuu meesha ka tago intaanay inanta hooyadeed soo bixin.  Cabdala Nuradiin oo ahaa nin Xarako jecel ayaa markiiba u dhaqaay xaggaa iyo Dawaarlayasha (Harqaanlayaasha) si uu surwaal iyo shaadh cusub uu balanta ku tego uga iibsado. Waxanu ka codsaday nin uu macaamiil u ahaa inuu dharkan si dhakhsa ah u dhameyo ugu danbayn Arabacada subuxii. Ninkii dawaarlaha ahaana taa wuu aqalay.

Waxa la gaadhay maalintii khamiista, Cabdala markaa intuu shaqa tegay ayuu hadana ila muddo soo hor maray si uu u sii diyaar garoobo.  Adigu Saacadu markay ahayd 3:15 galabnimo ayuu guriga ka baxay si inantii ula kulmo balanta kahorna meesha u gaadho. Wuxu meeshii ay ku balansaayeen ee Jardiinada uu gaadhay ila adigu 3:40 galabnimo.  Si uu waqtiga u gaabsado iyo jariirad ka iibsaday dukaan ku yaala wadada loo sii maro meesha.

Markuu meeshii uu gaadhay ayuu iska fadhiistay Jardiinada kursi dheer oo dhagax ah oo ku yaala, isagoo daawanaaya beerta uu dhexfadhiyo quruxdeeda ubuxa ku yaala hortiisa ay camuud la rusheeyay taalo, dhegihiisana ay ku soo dhacayaan shimbiraha dhawaaqooda.  Markuu in yar fadhiyay ayuu Jariiradii la kala baxay si uu waqtiga ugu lumiyo, wuu yar war wary oo dhinaca inantii imaanshaheeda ayuu ka fekeraya oo aad moodo inay dib u dhacday waxooga.

Markay saacadu ahayd 4:05 galabnimo ayay inantii ka soo muuqatay meel waxooga u jirta, markaasay Cabdale salaanfiican ku salaantay.  Waxay ku tidhi Aboow maan kugu soo daahay (habsaamay) wuxu yidhi may ee waa waqti fiican.  Markii ay fadhiistay dhagaxii kursiga ahaa ayay sheeko bilaabeen ila iyo saacad iyo badh bay fadhiyeen.  Waxanay ku balameen in wixii hadda ka danbeya ay wiigiiba mar kulmi doonan si sheekadoodu u tisqaado.

La soco qaybta 3aad.

Qalinkii :  Adan Jama Kahin

Milton keynes ,UK.

Comments are closed