|

Nadhaamka Federalism-ka: ‘Amusnaanta Dadka Aaminsan iyo Qaylodhaanta Kuwa Ka Soo Horjeeda’

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “ninkaan runta sheegin, been baa u qarsoon”. Sababta aan taas u iri waxay tahay inta badan waxaad maqashaa dadka ka soo horjeeda nadhaamka Federaalismka oo QAYLINAAYA, difaacaayana sababta ay uga soo horjeedaan. Waxaase is waydiin leh, maxaa aamusiyey dadka aaminsan in nadhaamka Federal-ismka uu yahay mid xal u ah sababihii dhaliyey dagaalkii sokeeye: QABIILAYSIGII aan geed la iskugu so gaban, taasoo sahashey dhacii hantii qaranka iyo xisaabtan la’aantii iyo ku takri falkii ay dowladii dhexe siday rabto ka yeelaysey hantiidii qaranka. Dagaalkaasoo bilowday dabayaaqadii 1990kii, oo hadana laga joogo mudo ku dhow 25 sano, welina aan la isla meel dhigin sidii la iskaga xaal marin lahaa arimihii dhacay in kastoo ay xaqiiqo tahay in dagaalkii sokeeyo, uu Soomaali oo dhan isku si u saameeyey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa rabaa in aan tusaale u soo qaato labada xisbi ee ka dhisan wadanka Maraykanka, oo kala ah Democratic-tiga iyo Republic-ka. Labaddaan xisbi oo taariikhiyan ah xisbiyada laga soo doortay madaxwaynayaasha dalka Maraykanka soo maray ilaa waqtigaan. Xisbiyadaan oo leh caadooyin soo jireen ah, taasoo ku salaysan mowqifkooda siyaasadeed oo ay taageerayaashooda ku soo jiitaan, taagaarayaashooduna ay kula xisaabtamaan.
Hadii aad soo qaadato xisbiga Democratic-ga waa mid mowqifkiisa siyaasadeed ku salaysan yahay in uu u doodo dadka tabarta yar, haweenka, dadka laga tiro badan yahay sida dadka ka soo jeeda Africanka  (waa dadka qarnigaan iyo kuwii ka sii horeeyey loo keenay qaarada Maraykanka iyo Laatiim AMERICA adoonisiga), qaxootiga iyo muhaajiriinta dalka Maraykanka loo ogolaaday in ay degaan.
Dhinaca kale, xisbiga Republican-ka oo isagana mowqifkiisu ku salaysan yahay isku-filaansho, kuna dooda in kaalmada dowlada ay dadka u fidiso ay dhaanto in uu qofku shaqaysto, waxna meel dhigto si uu beri ugu baxsado ama uusan gacanta u hoorsan, isla markaana uu qofku waajib saaran yahay in uu noqdo mid bulshada wax ku soo kordhiya.
Sida halkaas ku cad, waa labo mowqif, oo sababta ay ku kala duwan yihiin aan qoraalkaan lagu soo koobi karin. Hase yeeshee, hadii aan soo koobo laga dhadhansan karo, in mid u roon yahay maatada, kan kalena uu wax la wado dadka ladan iyo dadka tirada badan ee wadanka Maaykanka degan.
Waxaan arintaan uga gol leeyahay, marka doorashada la gaaro, xisbiga dadka tirada badan iyo ganacsiga uu mowqifkiisa siyaasadeed ku salaysan yahay, waxaad arkaysaa iyagoo QAYLINAAYA, kuna guubaabinaaya daka MOWQIFKOODA siyaasadeed – ha lagu naco ama ha lagu taageero. Isla markaana waxaad arkaysaa kii lahaa dadka ayaan u roonahay, oo indhaha ka MIRIGSIINAAYA, awoodna aan u lahayn in uu wax ka yiraahdo arimaha aan soo xusay ah MOWQIFKA siyaasadeed ee xisbigooda.
Marka, waxaa is waydin mudan waxa ay la aamunsan yihiin dadka taabacsan nadhaamaka FEDERALISM-KA in lagu dhaqo Soomaaliya, madaama uu fikirkoodu ku salaysan yahay in danta dalka Soomaaliya, marka loo fiiriyo – QABIILAYSIGA, xaqadaradii maamuladii la soo maray dalka ay tahay sababta dhalisay dagaalkii sokeeye iyo is aaminid la’aanta laga dhaxlay?
Mida kale, dadka ka soo horjeeda nadhaamka FEDERALISMKA, oo qaarkood ku nool wadamo ku dhaqma nadhaamka FEDERALISM sida Maraykanka iyo Canada, ayaa intaa ka QAYLINAAYA FEDERALISMKA, sababna ay uga dhigeen in nadhaamaka FEDERALISMKA yahay mid dalka duminaaya. Arintaan oo ah mid caqliga iyo fikirka saliimka ka fog, lagana dhadhansan karo arimo siyaasadeed, waa hadaysan ahayn kuwo QURBAHA ku raagay, una haysta in dadka kale aysan fikirin.
Waxaa idiin soo diray Mohamed Barre – Junlay [BULUF], qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degena Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Comments are closed