|

Nadaxwayne Ku-xigeenka South Suudaan Oo Socdaal Hawleed Ku Yimid Jabuuti

Jabuuti (QJ/SDN) – Madaxwayne ku-xigeenka South Sudan Rier Machar ayaa maanta socdaal hawleed ku tagay jamhuuriyada Jabuuti, waxaana qasriga madaxtooyada jabuuti ku qaabilay madaxwaynaha Jabuuti Ismaacliil Cumar Geele.

Waxaana kulanka labada masuul ku dhexmaray qasriga madaxtooyada jabuuti lagaga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa isla markaana loodhaqan galin la haa heshiiskii ay IGAD gadhwadeenka uga ahay ee udhexeeyay xukuumada South Sudan iyo jabhada mucaaradka ah, sida war-saxaafadeed kulankaasi ka soo baxay lagu sheegay.

Madaxwayne ku xigeenka South sudaan oo markii kulanku dhamaaday lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dadaalka ay xukuumada Jabuuti ugu jirto sidii dalkiisa nabad waarta looga gaadhi lahaa.

Comments are closed