Nabadsugidda Somalia Oo Si Buuxda Xalay Ula Wareegtay Horjooge Sakariye Ismaaciil
Muqdisho:Jan,01,2014(SDN/QJ)-Nabad-sugidda Somalia, ayaa habeenkii xalay si buuxda ula wareegtay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo dhawaan ciidanka Dawladda isku soo dhiibay.
Horjoogahan, ayaa waxa maalin ka hor si xoog ah ku kaxaystay Nabad sugidda Kenya, kuwaas oo geeyey Magaalada Wajeer ee W/bari Kenya, balse waxay soo celiyeen markii cadaadis badan dusha laga saaray.
Hay’adda Nabad Suggida, ayaa waxay dooneysaa inay su’aalo weydiiso Sakariye Ismaaciil, oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, balse ka soo goystay muddo laba sano ku dhow.
Sakariye waxaa Magaalada Muqdisho lala keenay Aadan Maxamed Maxamuud (Jilbo Weyne), oo Xoghayihiisii ahaa, isla-markaana lala soo qabtay maalintii Sabtida. Sidoo kale waxaa la socdo Aadan Maxamed Xiireey, oo la shaqayn jiray Sakariye, isla-markaana gadaal kaga soo biiray in lala geeyo, goob kastaa oo ninkaasi la gaynaayo.
Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey, Taliyaha Ciidanka Xooga ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu xalay xaqiijiyay in Sakariye ay si buuxdo ula wareegtay Hay’adda Nabad Suggida Qaranka, si su’aalo ay u weydiiso.
Dhanka kale ilaa iyo hadda Nabad Suggidu kama hadlin tallaabada ay kula wareegtay Sakariye Ismaaciil Xersi, oo gacanta Dowladda Somaliya soo galay maalintii Sabtida, markii lagu qabtay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Bishii June ee sanadkii 2012-ka, ayay ahayd markii Dowladda Mareykanka ay madaxa Sakariye dul dhigtay adduun lacageed oo dhan saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($3,000,000US).
SDN/QJ