Nabadoon Xaad oo si kulul uga jawaabay eedeyntii Gudoomiye Tarsan
Muqdisho 03.Aug (SDN) Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka jawaabay hadalkii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku dhaleecay Odayaasha dhaqanka Hawiye.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa Odayaasha Muqdisho ku eedeeyay wax qabasha la’anta dhanka Ammaanka Muqdisho iyo xal ka gaarid la’aanta deegaanada ay odayaashaasu ka arimiyaan dhibaatooyinka ka jira.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir looga baahan yahay in uu raali gelin ka bxiyo hadalkii shalay ka soo baxay ee uu ugu gafay Waxgaradka Beelaha Hawiye.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com