|

Nabad doon caan ka ahaa Magaalada Beledweyne oo dablay Hubaysani Caawa Toogteen

Beledweyne 11.Sep 2013 (SDN)- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa caawa  degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay nin nabaddoon ah oo degmadaas caan ka ahaa.

Toogasho1-300x203Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa Warfidiyeenada u xaqiijiyay in labo nin oo dhallinyaro ah oo hubeysan ayaa xilli uu masaajid ka soo baxay toogtay nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Maxamuud.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda dishay nabaddoonka, balse taliyaha ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Al-shabaab.

Ragga dilka geystay oo wajiga soo qarsaday ayaa goobta ka baxsaday.

Beledweyne SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed