“Nabad baynu haysanaa laakiin Nabadda ma hayaan Kulmiye iyo afartan wasiir ee meesha fadhiyaaye waxa leh dadka, Sheikh Aadan Siiro
Hargeysa:07-Dec-2013(SDN)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) ayaa si kulul u dhaliilay Hannaanka ugubka ah ee dhawaanahan xukuumaddu ku cabudhinayso muwaadiniinta u dhalatay waddanka.
Sheekh Aadan siiro ayaa maalintii shalay Masaajidka uu khudbadda ka Akhriyo ka jeediyey Khudbad dheer oo dhinayo badan taabanaysay, waxana uu farta ku fiiqay in xukuumadda looga baahan yahay inay u dheg yeelato sinnaanta shacabka ay masuulka ka tahay.
“Masaajidkan waxa laga taageersan yahay in dalkani jiro oo waddan horumarsan oo dadku talada iy Hantida ay u siman yihiin, waxa laga taageersan yahay in caddaaladda la sugo oo aan la kala sed Bursan.” Ayuu sheikh aadan siiro.
Sheekh Aadan siiro ayaa sidoo kale sheegay inaan loo baahnayn dhaqanno badan oo dhawaanahan xukuumaddu caado ka dhigatay, kuwaas oo xaalad aan jirin lagu abuurayo, waxana uu yidhi, “Waxan si kooban uga hadlayaa dhacdooyin tiro badan oo bil aan idinka maqnaa iyo maalmahan dambeba ku soo kordhay Somaliland oo aanan is lahayn dan badan baa ugu jirta umadda iyo Hoggaanka dalka.Inaan naftayda iyo kuwaa maanta talada hayaba aan u sheego dariiqa haboon ee lagu nabad gelayo oo aan uga jeedo waar dalka hala ilaaliyo oo xorriyadda umadda halla ilaaliyo oo waxa umadda ka dhexeeya halla ilaaliyo. waar cagta halloo dhigo waxa umadda.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray, waxa uu si cad u sheegay in umaddani u soo dagaalan tay sidii ay u noqon lahayd xor aan cidi ku dirqiyin wax aan rabitaankeeda ahayn, isla-markaana aan dhaqankaasi ahayn mid maanta la aqbali karo, waxana uu yidhi, “waar talada dadka halla qaato oo wax halla is weydiiyo, waar dadku waa wada Hubaysan yihiine haddii ay kala kacdo nin isu keeni karaa ma jiree xorriyadda ilaaliya oo ka daaya, dalkana waxa loo soo dagaalamay in xor la ahaado oo diintooda, maalkooda iyo aragtidoodaba xor u ahaadaane dadka halla daayo, waar nin nin ka awood badani ma jiro, nin meel laga celin karaana ma jiro, nin walbana meel baa ilaahay ku abuuray oo uu xidhan doonaaye, waxa dadka ka dhaxeeya halla ilaaliyo oo yaan karaamada laga qaadin.”
Sheekha ayaa sidoo kale xusay inay xukuumaddu ka baxdo tallaabooyinka ka Bad-badinta ah ee la soo baxday,“waar hallaga daayo ka Bad-badinta, maamulkan koobanna waxanu leenahay waa laydin ixtiraamayaa oo wakhti baa leedihiin, laakiin waxa dadku ku heshiiyey ilaaliya, haddii taa la yeeli waayo, karis xun iyana ku la’ waana la is canaanayayaa waxna waa la isku sheegayaaye ninka aan intaas jeclaynaw gurigaaga iska fadhi.” Ayuu yidhi sheekhu.
Waxa uu sidoo kale sheikh Aadan sheegay in ixtiraam gaar ah loo muujiyo dadka Bulshada karaamada ku leh oo la dhegaysto Hal-doorka umadda, waxana uu yidhi, “waar dadka umadda wax u qabanaya halla karaameeyo, odayaasha halla ilaaliyo oo dadka halla dhegaysto oo waddanka musuqmaasuqa iyo kooxaysiga hallaga daayo, waar khilaaf aan jirin ha abuurina oo haka bad-badinina”
Aadan xaaji Maxamuud, waxa hannaan hogo-tusaalayn ah u sheegay inaan shacabka lagu cabudhin Karin Dirayska iyo Ciidanka ay iyagu gacantooda ku dhisteen, waxana uu yidhi, “dirayska nin kursi ku fadhiyaa ma laha ee umaddaa leh, hubkana umaddaa leh cidna laguma cabudhin karo, haddii laga dayn waayana waa la kala qaadan doonaa” sheekha ayaa intaas hadalkiisa raaciyey,“axsaabta waxa loo sameeyey in lagu kala nabadgalo oo aynaan is dilin, laakiin haddii intii lafteedii haddii la ogolaan waayo oo sharciyaddii la ilaalin waayo dee dadku way hubaysan yihiine saw in la is dilo ma aha.”
Ugu dambayntii waxa uu sheekhu sheegay in cidda wax ku eh nabaddu ay tahay kuwa haatan xukunka haya, sidaas darteedna looga baahan yahay inay nabadda il gaar ah ku eegto, waxana uu yidhi, “Nabad baynu haysanaa laakiin Nabadda ma hayaan Kulmiye iyo afartan wasiir ee meesha fadhiyaaye waxa leh dadka, haddii la diidana ka wax ku ihi waa ka hadba jooga’e idinkaana karaamo ku lehe dadka ha kicinina idinkaa kicinayee.”
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com