Naafada Cadaado Ku Dhaqan Oo Gargaar Dalbaday
Cadaado 04.Aug (SDN) Dadka naafada ah ee ku sugan degmada Cadaado ee gobolka Galaduud ayaa ka cabanayo dhibaatooyin dhinaca nolosha ah iyagoo dalbaday gargaar bani’aadanimo.
Qaar ka mid ah dadka naafada ah ee ku nool degmada Cadaado oo la hadlaysaxafadda ayaa sheegay in ay soo wajahday xaalado nolol xumo ah, daryeel la’aan iyo duruufo adag oo dhinaca nolosha ah, iyagoo intaa ku daray ineysan heysan agabyada ay u baahanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin gaawaarida naafada.
‘’Waxaan nahay cuuryaamiin aan shaqeysan karin nolol ahaana aad u liita mana heysano qalabkii aan ku socon laheyn, haddii ay tahay Biro iyo baabuurta lagu socdo, waxaa intaasi sii dheer nolol xumo’’ Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka naafada ah ee ku nool degmada Cadaado.
Naafadan ayaa tilmaantay ineysan jirin cid hore u gaarsiisay qalabka cuuryaamiinta oo ah waxyaabaha ay ugu baahida badanyihiin, iyagoo dalbaday in lala soo gaaro qalabkaasi.
Ugu damebyntii dadka cuuryaamiinta ah ee ku sugan dalka ayaa inta badan la qaba naafada Cadaado dhibaatooyinka ay ka cabanayaan, waana kuwa bulshada ugu nugul bulshada oo aan awoodin iney shaqeystaan, kuwaasoo badankood ku adimo belay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Cadaado SDN.
Qurbejoog.com