|

Myanmar (Burma) oo tirakoob laga hirgelinayo iyo Mualimiinta oo aan magacooda lagu xuseyn

Yangon Mar 30.2014(SDN)- Dawlada dalka Myanmar ama Burma ayaa qabaneysa tirakoobtii u horeysay ee dalkaasi laga hirgeliyo mudo 30 sanadood ah,

Tirakoobta oo laga fulin doono guud ahaan dalkaasi ayaa waxa fulinaya shaqaale macalimiin u badan oo booqan doona 12 million oo aqal ilaa bisha ina soo heysa ee April 10 keeda.

Dalkaas ayaa waxa ku nool Muslimiin laga tiro badan yahay oo ay xukuumada dalkaasina ay cadaadis badan ku heyso.

Muslimiinta ayaa laga horjoogsaday in la diiwaan geliyo jinsiyadooda Rohingya iyo Caqiidadooda Islamka.

Diidmada dawlada ayaa ka hor imaneysa soo jeedin ay QM ku sheegtay in  Muslimiinta loo ogolaado  in la diiwaan geliyo.

Qeybo dalkaa ka mid ah dalka Burma oo ku jira gacanta jebhad hubeysan ayaaney tirakoobtu ka dhici doonin .

Burna ayaa waxa ku nool 60 million oo ruux oo u badan dad heysta diinta loo yaqaano Budhada.

SDN-Yangon

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed