|

M/xasan Sheekh oo si Ba’an uga hadlay qaraxii Muwaadiniinta Turkiga muqdisho lagula beegsaday

madaxweyne-xasanMugdiho : 28-July-2013 –(SDN)War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Is-miidaaminta  ahaa oo lagu beegsaday  xarun ay ku sugnaayeen shaqaalaha SafaaraddaTurkiga ee magaalada Muqdisho .

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Turkiga muwaadiniintii Turkiga ahayd ee waxyeeladu ka soo gaadhay qarixii shalayee ka dhacay muqdiso .

 

‘’Weerarkii dhacay waxaa uu muujinaya fulaynimo iyo tabaryari soo wajahday kooxaha argagixisada,  kuwaasi oo isku dayay in ay carqaladeeyaan nabadda iyo degnaanshaha’’ ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ka sooo baxay xarunta  Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Sido kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yidhi, “dowlada Turkigu waxaa ay ka mid tahay wadamada saaxiibada aynu nahay weerarka shaqaaleheeda lala  beegsadayna waa mid aan ka xunnahay.

 

War murtiyeedka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaliya  waxaa sidoo kale lagu sheegey in shacabka iyo dowladda Turkigu ay howlo muhiim ah u hayaan ummadda Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd gargaarka iyo taageerada dhinacyada badan leh,  taasi oo ay aad ula dhacsanyihiin shacabka Soomaaliyeed , howlaha ay qabteen shaqaalaha Turkiga waxaana ka mid ah dhismaha  iskuulo ,isbitaalo iyo mashruucyo kale oo wax ku ool ah.

 

Madaxweynaha ayaa  fal waxashnimo ah ku tilmaamay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay gacan bir ah ku qabandoonto dambiilayaashaasi.

Weerarkan ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa iftiiminaya inaanay muqdiso wali amaan ahayn, waxana uu sidoo kale iftiiminayaa sida ay wali xoogaga Al-shabaab awoodda ugu dhex leeyihiin Muqdisho.

 

Somalidiasporanews.com

Mudisho Office.

Somalia

 

Comments are closed