Mwai Kibaki oo ku baaqay in la kordhiyo howlgallada ka socda Somaliya
Bujumbura Dec 01,2011(qurbejoog.com)- Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa ku baaqay in la wada taageero dadaalada loogu jira inay nabad ka dhalato wadanka Soomaaliya.
Iasgoo ka qeyb gaadanayay kulanka Magaalada Bujumbura ee Xarunta dalka Burundi ay ku yeesheen Ururka Bulshada bariga Afrika islamarkaana ay ka qeyb galayeen Mas’uuliyiin badan oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jean Being ayaa waxaa uu sheegay Madaxweyne Mwai Kibaki in la taageero dadaalada la doonayo in nabad loogu dhigo Soomaaliya.
Madaxweyne Kibaki ayaa waxaa uu tilmaamay in Ururka Midowga Afrika uu kaalin muuqata ka qaatay howlgallada Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in loo baahanyahay in lalaba jibaaro howlgalladaasi si Soomaaliya ay u noqoto goob nabad ah.
Kenya ayaa Ciidamo Milatari ah waxa ay ka joogaan Soomaaliya, iyagoo waliba howlgallo balaaran ka wada gobolada Jubbooyinka, waxaana marar badan Ciidamadaasi lala eegtay weeraro miinooyin ah oo ay Mas’uuliyaduudu sheegteen inay ka damebeeyaan Kooxda Al Shabaab.
Qurbejoog-Muqdisho