Muxuu Yuusuf Garaad Madaxtooyada Ku soo Arkay Kadib Qaraxyadii Xalay Laga Fuliyey?
Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Saxafiga/Siyaasiga caanka ah ee somaliyeed Yuusuf Garaad Cumar Axmed, oo Habeenkii xalay ahaa Booqday Xarunta Madaxtooyada waxyar kadib markii Weerarku dhacay, ayaa Bulshada soomaaliyeed u iftiimiyey wixii uu soo arkay.
Yuusuf garaad ayaa markii uu Madaxtooyada dib uga soo noqday Bulshada la wadaagay Dhacdadan uu markhaatiga ka ahaa, waxana uu Boggiisa soo dhigay Qoraal kooban oo uu ku iftiiminayo sidii xaalku ahaa.
“Ra’iisal Wasaaraha waxaan arkay in yar ka dib markii ay xabbaddu istaagtay. Dhimasho iyo dhaawacba wey jiraan. Villa Somalia ragga ka dhex dagaallamay waxaa lagu qiyaasay 4 nin iyo baabuur ku raran walxaha qarxa. Rasaas aan la xaqiijin oo jiha kale looga soo riday Villa Somalia iyadana dad ayaa sheegay.” Ayuu ku sheegay qoraakiisa, waxana isagoo sii wada uu tilmaamay,
“Madaxweynuhu sida aan dad ka maqlay ma joogin Villa Somalia marka weerarku uu dhacay. Waddooyinka magaalada ee aan maray waxaan ku arkay oo keliya 1 Taxi iyo 2 kolonyo oo baabuur militeri ah”.
Wuxuu sidoo kale Yuusuf bartiisa Facebook-ga ku caddeeyay in waddooyinka Muqdisho la xiray weerarka kadib oo aanay jirin Cid isticmaalaysay ilaa iyo intii waagu beryayey.
Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa Xalay saraakiil iyo siyaasiyiin soomaaliyeed oo markii dhibaatadu dhacday Booqasho ku tegay Madaxtooyada, kuwaas oo indhahooda ku soo arkay sida wax u dhaceen, isla-markaana Madaxda Dawladda la wadaagay dhibaatada Gaadhy.
SDN/QJ