Muxuu Wasiir Xaglo-toosiye USoo Kordhiyey Qaranka Somaliland Muddadii uu Xilalka Aanu Daacadda Ka Ahayn Ka Hayey?
Hargeysa:07-March-2014-(SDN)-Hadal Haynta Ugu Badan oo Maanta Somaliland Ka Taagan, ayaa ah Sasabaadda iyo Saabaa-Saalax ay Wasiirrada Xukuumaddu La Daba Socdaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay isku Dhaceen Aqalka Madaxtooyada.
Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye ayaa muddo Laba Sano iyo Dheeraad ah ku sugnaa Somaliland, waxana sida la sheegayo ay isku Dhaceen Masuuliyiin uu kaw ka Yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali x. Xasan oo markii horeba qayb libaax ku lahaa Soo Xerogelintii Wasiir Xaglo Toosiye.
Muddadaas Haddaba uu Saleeban Xaglo-toosiye Wasiirka ka ahaa Somaliland, waxan uu Soo Qabtay Xilalka Tiraba Laba Wasaaradood oo kala Duwan, waxana uu ahaa Shakhsi Xilligii uu Somaliland yimi ay shacabku si weyn u Hadal hayeen, balse Markii dambe aan Waxt Tallaabo ah qaadin.
Wasiir Xatlotoosiye ayaa Madaxweyne Siilanyo iyo Raxan wasiirro ah kula Kulmay Marikii udu Horraysay Dalka isu tagga imaaraadka Carabta, waxana ay Halkaas ku Galeen Heshiis Hoose oo aan Bulshada Somaliland waxba lagala Socodsiinin, balse intiisa Badani Laga Fahmay inuu Saleebaan Ciise Qaato Lacago Tiro badan oo ku sheegay magdhaw Dadkii Dagaalka Kalshaale ku dhintay iyo in Loo Dhiibo Xil muhiim ah oo uu ku qanacsan yahay.
Muddo gaaban ka Dib waxa uu Xaglo-toosiye yimi Somaliland, waxana soo dhaweyntiisa lagu Bixiyey lacago badan oo ay jireen meelo badan loo baahnaa inay ku Baxaan, balse laga doorbiday in isaga lagu soo xerogeliyo.
Saleebaan Ciise ayaa markii uu Dalka Yimiba laga Dhigay Wasiirka DIbudejinta, iyadoo halkaasna loogu dhiibay kaliya ku sii sug, waxana loo sheegay inuu Halkaas iska sii Joogo inta ay soo baxayso Boos u qalma oo uu dakhli badan ka helaa, isaguna middaas waa uu aqbalay.
Muddo kadib sidii ballantu ahayd, waxan Wasiir Xaglo-toosiye laga Dhigay wasiirka wasaaradda Caafimaadka oo ah meelaha ugu dhaqaalaha Roon wasaaradaha Somaliland, balse nasiib darrada jirtaa ay tahay inaanu haba yaraatee wax Aqoon ah sidaa u buuran u lahayn arrimaha Caafimaadka, waxana dadku ay si weyn u xasuusan yihiin Wasiir Xuseen Xoog oo dhakhtar khabiiir ah ahaa, isla-markaana ahaa xubin xisbiga Kulmiye wakhti badan u soo Huray.
Wasiir Saleebaan ayaa markii uu xilkaas la wareegay u jeestay inuu dhaqaale urursado oo faroqabsi fiican meel dhigto, waxana laga waayey wax dareen muwwaadinimo uu ka muuqata, maadaama kaliya u jeedadda uu xilkaas u hayey ay Ahayd mid dhinaca Somaliland kaga yimi oo aanu dank a lahayn horumarinta xarumaha caafimaadka Somaliland ee kala duwan.
Wasiirka ayaan haba yaraatee wax tallaabo ah u qaadin dhinaca Gobolkii Buuhoodle ee uu ka soo Jeeday, waxana uu ka cagojiiday inuu socdaan ku tago Magaalada Buuhoodle oo ay markii hore xukuumadda isku ogaayeen inuu tegi doono.
Waxa kale uu si hoose oo Khaldan u maamulay Lacago badan oo uu aqlka madaxtooyada kaga qaaday inuu Buuhoodle ku Tegayo, isagoo ku Guuldarraystay inuu Xataa Hadal yidhaahdo Gobolka Buuhoodle oo dhawr Goor Maleeshaad iyo waliba Maamulka Puntland ku soo Gardarroodeen.
Iska Daa inuu wax sii Taree waxa sii Korodhay colaaddii iyo Nacaybki ay Reer Buuhoodle ka qabeen Somaliland, waxana ay Dhawr Goor soo Qaadeen Weerraro ay ku laayeen Dad rayid ah, isaguna waxba arrimhaas kama uu qaban.
Dhamaanba shacabka reer Somaliland ayaa u arka Magacaabistii Wasiirnimada Xaglo-toosiye mid aan waxba u soo Kordhin dalka, waxana ay xusayaan inuu ninkaasi kaliya danihiisa gaarka u jooga halkaan oo aanu Xataa Shacabka reer Buuhoodle wax dan ah ka lahayn.
Dawladda Somaliland ayaa u jeedooyin badan ka lahayd magacaabistiisii, iyadoo ugu horrayn ka filaysay inuu keeno karo In si fudud gacanta loogu dhigo Magaalada Buuhoodle balse taasi ma ay dhicin oo dadkii reer Buuhoodle Hargo waraabe ayuu u sii Riday oo waa auy sii Fogaadeen.
Midda kale ee ay xukuumadda Somaliland uga jeedday soo Xerogelintiisa ayaa ah innay Siyaasad ahaa ku muujiyaan inay gacanta ku Hayaan hogaankii ugu sarreeyey ee Kooxdii Khaatumo.
Guntii waxa Haatan hubaal ah in Wasiir xaglotoosiye aanu wax muuqda Somaliland u soo Kordhin balse uu ka lumiyey Kharashaad badan oo wax loogu qaban lahaa Shacabka Gobolada Bari oo tan iyo intii uu xilka qabtay aan waxtar ka arkin Somaliland, imikana ay Puntland si weyn Gacanta ugu qabanayso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com