Muxuu Wasiir Warancade kaga Jawaabay in Koox Gurigiisa laga soo abaabulay ay Afduubeen Weriye DAAWO
Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in aanu Ka Warqabin Afduub koox la sheegay inuu soo diray ay u gaysteen Weriye Cabdi Shakuur Maxamud Heer sare oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland haatana u shaqeeya Idaacada Hirad oo Xarunteedu tahay Magaalada Hargaysa.
Sida uu Weriye Heer sare Warbaahinta u sheegay Kooxda afduubtay ayaa Tiradoodu dhamayd Lix qof Waxaanu Xusay inay ka Cabanayeen Maqaal aragti shakhsi ah oo lagu daabacay Shabakada Oodweynenews,Hasa yeeshee Waxaa falkan ka hadlay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururka Suxufiyiinta Solja .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com