Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Yidhi Tallaabada Buuqa Ka Taagan Maamulka Jubba Land?
Muqdisho:June,08,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay muranka ka taagan caydhinta Golaha Baarlamaanka somalia ku sameeyeen Xubnihii koobnaa ee Baarlamaanka Maamulka Jubba Land, waxana uu codsaday inay Guddi dhawaan loo xilsaaray Turxaan bixinta muranada soo baxa ay dardargeliyaan Hawlahooda.
Madaxweynaha ayaa oo hadalkiisa ay ka muuqato in uu si toos ah weli u ictiraafsan yahay Baarlamaanka Juba oo kan federaalku sheegtey in ay waxba kama jiraan ka dhigeen ayaa sheegey in isaga iyo raysalwasaaraha dalku ay ogaayeen tabashooyinka ayna kala hadleen maamulka kumeel-gaadhka ah ee Jubaland,
“Aniga iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa hore maamulka Jubba uga wadahadlney xalinta tabashooyinka jira, la iskuna afgartey dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda galaan qaabka ugu wanaagsan ee beelaha wada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye, looga baahan yahay shacabkeeda inay la yimaadaan isku tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.
“Aniga iyo mas’uuliyiinka kale ee dowladda iyo baarlamanka waxaan isku aragti ka nahay dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo fulinta barnaamijyada la xidhiidha Hiigsiga 2016. Dhismaha maamullada waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeena, caqabad walba oo la soo gudboonaatana waxaa naga go’an in wadahadal lagu dhammeeyo, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya’’, ayuu yidhi Madaxweynaha.
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtey in ay meel mariyeen mooshin laga keeney Baarlamaanka Juba, kaas oo dhigaayey in sharci darro lagu tilmaamo dhisamaha baarlamaanka Juba, inkasta oo Xildhibaanadii ka qaybgalay fadhigaas aragtiyo kala duwan ka bixiyeen qaabka Mooshinka loo maareeyey
Isku soo duubo Madaxweynuhu wuxuu ku baaqey in guddiga loo dhisey tabashooyinka oo labada dhinac ku heshiiyeen hawshooda bilaabaan, si toos ah uma soo hadalqaadin Mooshinkii laga keensay Baarlamaanka Juba inkasta oo uu muujiyey in Soomaaliya u baahneyn carqaladeyn siyaasadeed ee ay u baahan tahay isu tanaasul
SDN/QJ