Muxuu Guddoomiye Cirro Ka Yidhi Warar Sheegayay In Ay Shir Ku Kala Kaceen Isaga Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Degmada Axmed Dhagax? DAAWO
Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaarida ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaayey munaasibad xisbigaasi u sameeyey soo dhaweynta siyaasiyiin iyo tageerayaal ku soo biiray xisbigaasi oo ka soo jeeda xaafada Axmed dhagax ayaa waxaa uu ka hadley warar ay maalmihii u danbeeyey ay qorayeen qaar ka mid ah saxaafada Somaliland oo sheegaayey in ay jiraan shir ay ku kala kaceen hogaanka xisbigaas iyo beesha degta Xaafada Axmed Dhagax.
Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu sheegay in aanay wararkaasi waxba ka jirin isla markaaana masuul ay saxaafadu sheegtey in uu shirkaasi ka mid ahaa oo ka soo jeeda xaafada Axmed dhagax aanu dalkaba joogin waxaana uu gudoomiye Ciro tilmaamay in wararkaasi been abuurka ay yahiin qaar ay abuuren saxaafada xidhiidhka hoose la leh madaxtooyada iyo xisbiga Kulmiye.