|

Muxuu Faysal Cali-waraabe Ka Yidhi Inuu Komishanka Qaranka Mar Walba u Magacaabo Xubin Qoyskiisa Kasoo Jeedda?

Hargeysa:Aug,29,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa day’ar aqoon yahan ahi waxa ay weydiiyeen su’aal nuxurkeedu ahaa inuu nacaybka qaybaaladda si weyn umuujisto, isla-markaana uu marwalba Xubinta Xisbigiisu ku leeyahay Komsihanka qaranka uu ka dhigo qof kasoo jeeda Qoyskiisa.

eerEng. Faysal Cali-waraabe oo madal hoggaanka saddexda Xisbi-qaran su’aalo lagu weydiinayey oo uu   HCTV soo abaabulay su’aashan lagu weydiiyey, ayaa jawaabtiisa ka dhigay mid qancisay dhallinyaradii halkaas iskugu timid, waxana uu cuskaday dhacdo kasoo martay masuul uu hore xilkaas ugu magacaabay oo aan kasoo jeedin beeshiisa, kaas oo ku kacay siyaasad ka dhan ah xisbiga Ucid.“Anigu waxba ma qariyo ee I dhegaysta; barigii u horaysay labada Mucaaradkaba anigaa soo magacaabay, markaa waxaan soo gudbiyay Dr Adna Aadan Ismaaciil iyo Prof. Guuleed oo jaamacadda Camuud haysta,markaasay labadiiba iga cudur daarteen oo Adni tidhi Dhakhtar baan dhisayaa, Prof-kuna jaamacaddii  baan hayaa yidhi . Waxaan markaas soo magacaabay inantii Hay’adda Kandhalayt haysatay ee la yidhaahdo Shukri Baandare iyo inankii u sareeyay daladda ururada aan dawliga ahayn oo reer Boorama ahaa.markii aan doonayay inaan Cabdiraxmaan ka dhigo guddoomiyaha Baarlamaanka , ayaan arkay Shukri oo naga ololaynaysa,hadda waa inantaan soo magacaabay; maalintaas baan idhi “Naaw”!  waar wallaahi waxay Soomaalidu sheegi jirtay waxbaa ka jiree Nin ehelkaa ah uun magacow kaasaad aaminaysaaye, halkaas ayaan ka bedelay siyaasaddii,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal waxa uu sheegay in intuba u qalmayeen jagada uu u dhiibay “Laakiin Saddexdiiba waan ka dhigaye, saddexdiiba kuwii ugu fiicnaa bay noqdeen.waxa weeye qofku xaq buu u leeyahay ee ma yahay qof meeshii u qalma. Mar waxaan magacaabay Axmed oo Alle ha u naxariistee Ilmaadeer baanu ahayn, haddana waxaan magacaabay Looyar Khadar oo waad aragteen oo waa Looyarka dalka, haddana waxaan magacaabay Cabdifataax(Laba jeer ayuu Cabdifataax magacaabay), Shukrina ku dar oo intuba inta ugu fiican ee Komishanka soo martay ayay ahaayeen. Markaa markaan arkay in inantii aan keenay iga leexatay ayaan idhi waar bal kan yaa xasaba ayaa la yidhiye bal kan ku day.”

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed