Muxuu Dr Bulxan Kala Kulmay Shirkii Aqoon-yahanka Somaliland iyo Somalia ee Turkiga Kadib Markii ay Joogsadeen Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland Iyo Somalia? DAAWO
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomay wejiga labaad ee shirkii aqoonyahanka Somaliland iyo Somaliya oo hore dalkaas uga qabsoomay.
Shirkan oo socday laba maalmood, waxa labada aqoonyahan ee Somaliland iyo Somaliya dhex joogtay dawladda Turkiga oo wada hadalada labada dal gogosha u fidisay si ay u fahanto qaddiyadaha Somaliland iyo Somaliya. Sidoo kale waxa madasha joogay aqoonyahano u dhashay dalka Turkiga oo eegaya doodaha labada dhinac iyo qaddiyadaha la isku hayo.
Dhinaca Somaliland waxa shirka uga qayb galay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana ka baaqday oo aan shirka kala qayb gelin laba aqoonyahan oo reer Somaliland ah oo ay ahayd inay weheliyaan Dr. Bulxan, halka ay Somaliya metelayeen laba aqoonyahan oo kala ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Baadiyoow iyo Dr. Cabdi Kuusoow.