|

Muxuu Daarran Yahay Safarka Madaxweyne Siilaanyo Dhuumashada Ugu Baxay Magaalada Berbera?

Berbera:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubno Qoyskiisa kamid ah ayaa safar aan hore loosii shaacin shalay ku tegay Magaalo xeebeedda Berbera, waxana warar kala duwan kasoo baxayaan Ujeeddada ay halkaas u tageen xilli aanay cidi ka warhaynin.

faloWararka qaarkood, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaas u tegay si uu ugu soo dabaasho xeebta Batallaale oo uu marar hore si muuqata ugu soo dabaashay, taas oo la sheegayo inuu il  iskaga gartay xanuuno ka hayey dhinaca Jilbaha oo haatan uu dareemayo inuu Biyaha badda kaga ladnaaday.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu xadhiga ka jarayo, isla-markaana dhagax dhigayo mashaariic dhawr ah oo halkaas laga hirgeliyey, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Ballaadhin lagu sameeyey Dekedda weyn ee Berbera  oo haatan dhammaatay.

Sidoo kale, waxa lagu soo waramayaa in ay socdaan hawlo lagu dayac tirayo xarunta haamaha Shidaalaka ee magaalada Berbera iyo haamaha shidaalka laftooda, kuwaas oo la filayo in uu Madaxweynuhu xadhiga ka jari doono.

Warar kale oo aanu Hayno ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaas u tegay Olole la xidhiidha sidii uu cudud taageero ah reer Berbera ugu dhex yeellan lahaa, isagoo daba socda Mawjado mucaarad ah oo dhawaan xisbiyada Kulmiye iyo Ucid kusoo Bandhigeen Magaaladaas, kuwaas oo dhamaantood sheegayey inay kasoo baxeen xisbiga Kulmiye oo uu madaxweynuhu doonayo inuu doorkanna iska soo dhex sharraxo.

Qodobada ugu waaweyn ee ay shacbi-weynaha magaalada Berbera ku xujaynayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka mid ah Koronto la’aan baahsan oo ka jirta Berbera, oo uu Madaxweynuhu ballan qaaday markii uu mucaaridka ahaa in uu wax ka qaban doono hadii uu xilka ku guulaysto, iyada oo aanay xukuumaddu weli waxba ka qaban arrintaa, iyo sidoo kale maadaama ay Dekadda Berbera ka mid tahay illaha dhaqaale ee ugu waaweyn Somaliland, in aanay xukuumaddu waxba dib ugu soo celin in magaalada Berbera laga fuliyo mashaariic lagu dhisayo laguna horumarinayo adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha, sida caafimaadka, oo maanta maraya halkii ugu liidatay ee ugu hoosaysay iyo waxbarashada, biyaha iyo IWM.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed