|

Muxuu daaranaa Kulan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay?

Hargeysa  31,March 2015 (SDN/QJ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee waddanka Masar kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddda iyo amniga Somalia, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka, dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, xoojinta ciidamada xoogga dalka iyo qodobbo kale.

Ban_ki-moon__Xasan_Sheekh_1Xasan Sheekh ayaa Ban Ki-Moon u sheegay in DF Somalia ay qaadeyso tallaabo kasta oo suuro-gelinaya in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016, isla markaana aanay jirin qorshe muddo kordhin ah.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee QM ayaa kulanka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay Somalia, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii guddiyada muhiimka ee barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ku hawlan ay u heli lahaayeen agabka iyo wax walba oo suuro-gelinaya fududeynta hawshooda.

Mudane Ki-Moon wuxuu dowladda ku amaanay horumarka ay balaaran ee ay sameysay, isagoo dhinaca kalena ku booriyey madaxda Soomaaliya in ay sii wadaan barnaamijyada la xiriira dhowrista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo dhallinyarada.

Kulanka ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu ku aqbaley codsi uu hordhigey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa in deg-deg loosoo daad-gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xaniban Yemen, halkaasoo ay dagaallo sokeeye ka socdaan.

 

Ugu dambeyn, Ki-moon ayaa sheegay in hay’adda Qaxootiga ee UNHCR) ay deg-deg u qiimeyn doonto qaabka ugu sahlan ee qaxootiga Somalida ah ee Yemen ku xayiran looga soo saari lahaa, dibna loogu celin lahaa dalkoodii.

Comments are closed