Muwaadinkii u Horeeyay ee Somaliland ka Samaya Wershad Soo Saarta Tamaashiirta Iskuulada Wax loogu dhigo
Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):- Cali Xasan Faarax Waa Mid ka Mid ah Shakhsiyaadka Somaliland ee aqoonta durugsan u leh qaababka ay u shaqeeyaan Bangiyada Isagoo Mudo aad u Dheer oo ku Siman tan Iyo Xiligii Ingiriiska ka soo Shaqaynayay Hawlaha Bangiyada Sidoo kale Wuxuu Cali Xasan Faarax aasaasay Wershad Samaysa Tamaashiirta.
Cali Xasan Faarax ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.
Cali Xasan Faarax Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu horayn Cali Xasan Faarax ayaa la weydiiyey Halkii uu ku dhashay, Sannadkii uu dhashay iyo Goobihii uu ku soo barbaaray waxaanu Yidhi
“Waxaan ku dhashay Magaalada Berbera 1936kii,Magaalooyinkii aan ku soo barbaaray Waxaa u badnayd Berbera iyo Burco,Xiligii aan berbera deganayn ma Jirin Iskuulo,Waxaa laga soo noqday dagaalkii labaad ee adduunka Waxaa jiray Malcaamado lagu barto Qur’aan iyo Carabi,Waxaan iskuulka ka galay Sheekh markii aan gaadhay Galaaska 6aad ayaa Camuud nala geeyay aniga iyo Walaalkay,Sannadkii 7aad halkaas ayaan ku soo qaatay,markaan soo qaatay Shahaadadii Dugsiga Sare Waxaan imid hargaysa,Bangigii Ingiriiska oo markaas Cusbaa ayaa I qaatay,Xiligaas 17 Jir ayaan ahaa Waayo da’daas la iskuma qori jirin Ninkii Shaqada I qorayay oo la odhan Jiray Maxamed Muuse ayaa igu yidhi ha Sheegan 17 Waxaan qortay 18 Jir oo ah Da’da la ogolaa, Waxaan halkaas ka bartay Sida loola hadlo bangiyada iyo Xidhiidhka dibada,Shaw waxay doonayaan in la I geeyo Xarunta London Waxaa kale oo Xiligaas bilaabmay Halgankii lagaga soo hor jeeday Gumaystihii Ingiriiska,Waxaan ka mid ahaa Niman la odhan Jiray Al Madar Kuwaas oo Iskuulada ka soo baxay isla markaana shaqaale ah’’
Cali Xasan Faarax oo Hadalkiisa sii Wata ayaa yidhi ‘’Ninkii Ingiriiska ee haystay bangiga ayaa yidhi Laba nin ayaa Jira oo Hindi ah Isla markaana kala haysta Bangiyada Boorama iyo Berbera ee Shaqadaas qabta anigu berbera ayaan ka saaray Ninkii Hindiga ahaa Kadib markii Imtixaan la iga qaaday,Markii danbe markii Xornimada la qaatay Xamar ayaa la iiga yeedhay bahal baasaboor ah oo Quruxda aad yaabto ayaa la ii dhiibay Ruushka ayaa la igu tuuray,Waxaan ku maqnaa Mudo laba sanno ah,Meelo badan ayaan ka soo shaqeeyay Baangigii Somalia oo heer fiican aan ka gaadhay’’.
Cali Xasan Faarax Waxyaabaha lagu soo Xushay waxaa ka mid ahaa inuu Magaalada Hargaysa ka hirgaliyey Wershad soo Saarta Tamaashiirta Iskuulada Wax loogu dhigo taas oo qorshihiisu ahaa inuu Waddanka oo dhan wada gaadhsiiyo Wax soo saarkiisa ‘’Daar yar oo hargaysa ayaan Shaqaale isugu keenay Waxaan markaas ka fikirnay Waar maxaynu Samynaa Waxaa igu soo dhacday Tamaashiir inaanu Samayno dhagxan ayaanu keeni jirnay Mishiinada yar yar ee Hadhuudhka ayaan ku Daqiijin Jirnay Waanu Sii Sifayn Jirnay kadib waxaan ka soo saari jirnay Tamaashiir aad u tayo fiican’’
Cali oo la weydiiyey sidii Fikirka Hindisida Tamaashiirtu ugu Soo Dhacday ayaa Si Kooban ugu Jawabay “Garan Maayo Sidii ay Wershadaasi iigu soo dhacday” Laakiin Xiliga aan Wershadaas furay Waxay ahayd Todobaataneeyadii Markii Somaliland lagu dhawaaqay ayaan Mar kale ku fikiray Sidii aan Wershadaas u furi lahaa Waxaan u tegay Dawlada hoose ee Hargaysa Waxay I siiyeen Dhul ku yaala Huteel Kaah agtiisa Sidii aan berigii hore u sameeyay ayaan hadana u sameeyay waxaan u gaynayay qolada Manhajka ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland wayna ansixiyeen.