|

Muwaadinkii faransiiska u dhashay Ee Somaliland Lagu Xidhay Oo La Sii Daayey

Hargeysa:July,31,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Dembi-baadhista somaliland, ayaa  xorriyadiisii dib ugu soo celiyey muwaadin u dhashay dalka Faransiiska oo muddo habeenno ah u xidhnaa.

beedMuwaadinka Faransiiska ah oo ay warbaahinta Somaliland baahisay xadhigiisa ayey Sirdoonku si qarsoodi ah u sii daayeen kadib markii ay ka waayeen tuhunadii ay la xidhiidhinayeen qabashadiisa, kaasoo ay afka ka xidhatay sababta xadhigiisa.

 

Muwaadinka Faransiiska ah oo warbaahinta loo sheegay in uu Dalxiis ahaa ayey warar dheeraad ah oo xadhigiisa laga helay sheegeen in uu doonayey in ay dalka degaan isaga iyo xaaskiisa oo ah gabadh Reer Hargeysa ahi.

 

Wararka la xidhiidha ninkaasi ayaa sheegaya inay Sirdoonku ka qabteen Hotelka Shaybe oo uu ku soo dagay, dabadeedna ay dabagaleen isagoo xaafadaha weydiinayey guri kiro ah oo uu doonayey in uu dajiyo xaaskiisa.

 

Muwaadinka Faransiiska ah ayaa warbaahintu ogaatay in sidan oo kale Sirdoonku u xidheen dhawr sano ka hor wakhtigaas oo ay aroos ku ahaayeen isaga iyo xaaskiisu Hargeysa, balse isla markiiba la sii daayey markii ay waxba ku waayeen, xilligaas oo uu dib ugu noqday Dalka Faransiiska.

 

Ninka Faransiiska ah ee la sii daayey markii waxba lagu waayey ayaa asalkiisa lagu sheegay in auu ahaa Tuuniisiyaan, balse ku koray France, kaasoo hooyadii ay tahay gabadh Reer Hargeysa ah isagoo isla markaana hido raacaya Guursaday Gabadh isla reer Hargeysa ah, inkasta oo warbaahintu markii la qabtay ay baahisay inay dhashay gabadh Reer Borama ah.

 

Sirdoonka ayaa la sheegay inay ku khasbeen markii ay waxba ku waayeen in uu Gadh-weyn oo uu lahaa xiiro, taasoo la sheegay in uu ka diiday isagoo ku dooday in uu Faransiiska iyo Dalalka kale ee Yuruba ku dhex mari jirey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed