|

Muwaadiniintii Xukuumadda Siilaanyo Djibouti Ka Iibisay Oo Mid ka Mid ahi U Geeriyooday Jidh-dil lagu Samaayey

Hargeysa:July,06,2014(SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in Mid ka mid ah Muwaadiniintii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan u gacan gelisay Taliska Djibouti uu xabsigayada dalkaas ugu geeriyooday Dil-dil aan kala Go’ lahayn oo Ciidamadaasi u geysteen.

jidhdilWarkaas waxa shaaca ka qaaday Xildhibaan Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo warbaahinta u sheegay in Hal muwaadin ku dhintay Gacanta Ciidanka Djibouti, isla-markaana la hubo inuu u dhintay Jidh-dil xabsiga loogu geystay.

Xildhibaan Rayte waxa uu xusay inuu hayo warar aan weli si rasmi ah loo shaacin oo sheegaya in hal nin oo ka mid ahaa afar rag ah oo xukuumaddu u dhiibtay hay’adaha ammaanka ee dawladda Jabuuti ugu geeriyooday jeelka dhexdiisa garaacis iyo jidh-dil loo gaystay, isla markaana mid kale uu ku jiro xaalad halis ah oo miyir la’aan. “Waxaan doonayaa in aan dhaleeceeyo waa dadka loo dhiibay xukuumadda Jabuuti, dadka la dhiibay waa dad muwaadiniin reer Somaliland ah, dawladiina ma dhiibto muwaadinkeeda oo dawlad kale uma dhiibto hadday dambigaleen dambiga ay galeen waa mid ay halkan ka dhacay markaa in halkan lagu xukumo ayey ahayd. Waxaana igu maqaalo ah oo aan aad uga xumahay inkasta oo wararkaasi aanay xukuumaddu si rasmi ah u soo dayn in nin ka mid ah raggii la dhiibay uu dhintay oo uu u dhintay jidh-dil, mid kalena uu koomo ku jiro oo uu sakaraad yahay,” ayuu yidhi Md. Rayte oo aanu warkiisa kasoo xiganay Bogga Wararka ee Wargeyska  Jamhuuriya  Oo Lagu Daabacay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in aannu jirin wax dambi cad ah oo lagu hayo ragga loo dhiibay Jabuuti, isagoo si adag ugu cambaareeyey xukuumadda tallaabada ay dad muwaadiniin ah ugu gacangelisay dawlad kale oo uu sheegay inay sharci-jebin tahay, waxaannu yidhi, “Afar qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan halkan wax dambi ah lagaga caddayn oo aan maxkamad la soo horjoojin in inta indhaha laga xidho madaarka laga dhoofiyo oo dawlad kale loo dhoofiyaa waa dambigii ummaddan laga galay kii ugu waynaa waa distoorkii oo la jabiyey, waxa weeye xuquuqdii muwadiniinta oo lagu tuntay, waanu cambaaraynaynaa ciddii go’aankaasi qaadatayna waxaannu doonaynaa in ay xukuumaddu ay farta ku fiiqdo oo ay masuuliyadeeda qaadato.”

Waa Markii ugu horraysay taariikhda ee Muwaaadiniin reer Somaliland ah oo aan waxba galabsan loo gacan geliyo dal shisheeye, waxana ay tani muujinaysaa inaanay xukuumadda siilaanyo wax tixgelin ah siinayn Distoorka dalka iyo xuquuqda Muwaadiniinta midna.

 

 

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed