|

Muwaadiniinta Reer Jarmal Oo Lala Socon Doono Farriimahooda Face Book-gga Iyo Sababta Oo La Caddeeyey

Munchen:Sep,16,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda ka Talisa Waddanka Jarmalka, ayaa ku hawllan qorshe lagu abuurayo Kooxo dabagal ku sameeya Farriimaha la iskugu gudbiyo Aaladaha Bulshadu ku xidhiidho, gaar ahaan Waxyaabaha Muwaadiniitoodu soo dhigaan Aaladda Facebook-gga.

reroWaxaa mudooyinkii dambe kordhay dadka u dhashay Dalka Jarmalka ee fariimaha naceybka ku saleysan ee looga soo horjeedo dadka qaxootiga ah soo dhiga barta Facebooka.

Masuuliyiin katirsan Dalka Jarmalka ayaa sheeay in ay kordheen dadka hadalada jinsi naceybka ah soo dhigaya baraha bulshada , xili ay kordeen qaxootiga soo galaya dalkaasi.

Shirkada Facebooka oo cadaadis xoogan kaga yimid dalka Jarmalka, ayaa shaacisay in ay adkayn doonaan habka loo ilaaliyo loogana tirtiro hadalada aan haboonayn ee lasoo dhigo barta Facebooka.

Dalka Jarmalka maalmihii lasoo dhaafay waxaa galayay kumanaan qaxooti ah oo intooda badan kasoo cararay colaada ka aloosan Dalka Siiriya, waxaana jira dad cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda qaxootiga dalkaasi kusoo qul qulaya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed