|

Muwaadin Soomaali ah oo Qaab Khasab ah looga soo Tarxiilay Waddanka Norway Lagana Soo Dejiyey Madaarka Muqdisho & Xidhiidh Qarsoodi ah oo ka dhexeeya Madaxda Madaarka Iyo Norway

Muqdisho 06, October 2016 (SDN/QJ):- Dalka Norwey ayaa dhowaan si khasab ah looga tarxiiley dad Soomaali ah oo gaaraya illaa 10 ruux kuwaasoo intooda badan ahaa dad loo diidey sharciga magangalyada wadanka.

muwaadin-soomaali-ah-oo-norway-laga-soo-tarxiilayWaxaa dhamaantood laga dejiyay garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho Waxaana halkaas ku qaabiley saraakiil ka socoto laanta socdaalka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadka la celiyay ayaa isugu jiro dad laga qabqabtey xarumaha Qaxootiga iyo waliba magaalooyinka waaweyn ee dalka Norwey qaarkood, iyadoo la xaqiijiyay in dadka la tarxiiley uu ka mid ahaa Aabe Soomaaliyeed oo shan caruur ah oo uu dhaley horey looga qaatay.

Axmed Cali Ashkir oo ka mid ah dadka la celiyay ayaa muddo ku noolaa magaalada Kristiansand, waxaana hadda uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo laga soo dejiyay.

Axmed ayaa sheegay in dayuurada Turkish Airweys ee lagu tarxiiley uu dhinac ka saarnaa xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo isna ka yimid dalka Norwey.

Sidoo kale Axmed Cali Ashkir ayaa sheegay in dad ka shaqeeya garoonka Muqdisho ay xiriir la leeyihiin dowladda Norway kalana shaqeeyaan dadka dalka lagu soo celinayo.

Dowlada Norwey ayaa dhowaan waday qorsheyaal ay dalkooda dib ugu celineyso Soomaali badan oo isugu jiray kuwo dhowaan dalkaas soo galay iyo qaar kale oo sanado badan degenaa wadankaas balse lagu eedeeyey iney ka been sheegeen qaabkii ay markii hore dalkaas isaga dhiibeen.

Comments are closed