|

“Muuse Cabdalaa isoo galay iyo Reer Samatar baa isoo galay Waxaas Waa Wax Laga Xishoodo Weeye Dalka Subeer-awal iyo Garxajis ma lahe Somaaliland baa wada leh Ninkii Doonaya….” Eng Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 06. January 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyay Hargeysa isagoo Mudo Dibada ugu Maqnaa Safar Shaqo.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Dhaliilo Xoogan u Soo Jeediyey Hogaamiyeyaasha Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani.

“ Waa Inoo Kow, Waana Wax Siyaasadeena Ku Soo Kordhay, Gudoomiye Watta Wasiiro Aanu Isagu Magacaabin, Waa Caado Soo Baxday, Dawladdani Haddaanay Ahayn Mid U Shaqeenaysa Dalka, Ee Ay Tahay Mid U Ololeenaysa Muuse Biixi De Shaqada Ha Ka Tagaan, ..,”

“Dalka subeer-awal iyo Garxajis ma lahe somaaliland baa wada leh Ninkii Doonaya Subeer awal iyo garxajisow Suldaanimo iska doono Laakiin Halkan Madaxnimo ayaa la doonayaa (Presdent of state) “

Comments are closed