|

“Muuse Biixi Waxanu Ku Heshiinay In Hutelka Ciidanka Laga Qaado, Xafladdii Maansoorna La Joojiyo, Munaasibada……”Muj. Xasan Guure

Hargeysa:Oct,16,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka Hadltay Talaabada ay ciidanka RRU-du saaka kula wareegtay Xarunta Hutelka Hiddo-dhawr oo lagu waday inay ka dhacdo munaasibadda Maalinta Shuhadada SNM.

xasan guureMujaahid Xasan Guure oo maanta warbaahinta la Hadlay ayaa ugu horrayn ka Hadlay dhibaatada ka dhalata Munaasidaha loo qabto maalinta SNM oo beryahan xukuumaddu xasaradaysay, isla-markaana ka dhigtay mid iyada gaar u ah, waxana uu faahfaahiyey sababta ay mid gaar ah qabashadeeda ugu fikireen,

“doorkii hore anigu dirqi baan ku galay, maantana waxanu maqalnay wasa lagu qabanayaa maansoor, haddii maansoor lagu qabtana cid gaar ah uun baa maansoor geli karta, mana aha  xafladdii la wada lahaa ee dadku kasoo wada qaybgeli jirey, waxana ay ahaan jirtey xafladda SNM mid la iskugu wada yimaaddo oo nin waliba intii uu doono uu ka yidhaadho, la iskuman xanaaji jiren” ayuu yidhi Mujaahid xasan guure.

Mujaahidka Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa Yidhi

“Dhaqankii baa la beddelay waxana ay noqotay in cid gaar ahi yeelato oo faataxadii la kala jiito sida dalkiiba loo kala yeeshay, markaanu  markaanu maqalnay waxa lagu qabanaa maansoor waxanu go’aansanay inaanu mid gaar ah qabnsano sanadkaa horena waanu ku baaqnay haddii laga dayn waayo waxaa gaarka ah inaan waxba la wada yeelan donin.”

Xasan Guure waxa uu sheegay inay ku warheleen Hutelkii oo ciidan lagu wareejiyey, taasina ay tahay wax nasiib darro ah oo aan marnaba la filaynin, waxana uu yidhi,

“Saaka waxanu ku waa bariisanay meeshii aanu lahayn xafladda ku qabta oo ciidan la dhigay, garanna maayo goortaynu gaadhnay inaynu ciidan isu samaysano, goortaynu gaadhnay inaynu nidhaahno hebelow halkaas xaflad kuma qaban  kartid, goortaynu gaadhnay Hebel uma faataxayn kartid.”

Mujaahidku waxa uu ayaandarro iyo gardarro ku tilmaamay in Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo kamid ahaa Hormoodkii SNM maanta ay ciidanka Hutelka Hiddo-dhawr lagu wareejiyey ay xabad dhafoorka kaga qabteen,

“maanta waa maalintii xuska Halganka loo qoondeeyey, waana ogaydeen saaka raggii u mudnaa ee u waaweynaa snm Maxamed Xaashi baa kamid ahaa, Si edebdarro ah baa qori loogu hanjabay, waana ayaandarro inaynu innagii maanta qoryo intaynu isu soo qaadano Biri-mageydo yeelan weyno, waxana aan qabaa haddii ay sidaas kusii socoto siday ku wadaan inaan  dalkan la wada yeelan doonin.”

Ugu dambayntii waxa uu Xasan Guure sheegay inuu Mujaahid Muuse Biixi arrinta ka odayeeyey, isla-markaana la isla gartay in hutelka Ciidanka laga qaado, isla-markaana la joojiyo xafladda laga qabanqaabinayo Mansor Hutel, iyadoo  munaasabdda xuska Shuhadada SNM loo daynayo halkeedii  hore loogu qaban jirey, waxana uu meesha ka saaray in wax kaadhadh ah lagu geli doono Goobtas, waxana u yidhi,

“Muuse Biixi oo kamid ahaa Mujaahidiintii SNM Oo ergo Noogu yimi oo aanu kuwada Hadalnay, waxana aanu ku heshiinay in kaw marka hore  hudheelka ciidanka laga qaado casarka galabta, xafladdii Maansoorna la joojiyo, laguna qabto Halkii awalba lagu qaban jirey, isla-markaana aan wax kaadhadh ah oo aan lagu gelini aanay jiraynin.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed