“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Nin Weyn baad Tahee Dhul dhacaaga Hubso” Mujaahid Cali Cabdi Cilmi
Hargeysa 15.Oct 2015 (SDN/QJ)- Mujaahid Cali Cabdi Cilmi oo kamida aasaayaashii xisbiga kulmiye ayaa baaq digniin ah u diray xubno uu sheegay inay kahor yimaadeen go’aankii beelaha arab ku qaateen taageeradda musharaxnimo ee xildhibaan kijaandhe kuwaas oo uu sheegay inay si indho la’aan ah ugu ololaynayaan muuse biixi
dhanka kale Mujaahid Cali Curri ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin Foolxum oo muuse biixi ku sameeyay beelaha arab islamarkaana u galay taariikhda ma guuraanka ah cali curiugu horayn Mujaahid Cali Cabdi Cilmi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Waxa aan si adag ugu sheegaya xubnahan golaha arab shakhsiyaad ka mid ah oo Hadii eebe idmaayo mooday in ay xubnimadan ay kala yimaadeen maraykan iyo kanada Waar xubnimadan aad haystan waa magacii
arab, arabnimaana ku hesheen hadii aad dariiqa arab maray mari waydaana kaadhadhka ayaanu idinka qaadi doona,waxa kaloon idiin sheegaya daaquudnimada iska daaya gude nin kalana in aad maydho waxa kaaga wanaagsan in aad kaaga maydho waxa aan leeyahay qaranka ka xishooda oo umaada aad ka dhalateen ka xishooda , ninka aad u orkooynaysaan waa muuse biixi.
Intaas waxa uu ku daray.”Waar allah ha u naxariste dayib gurey iyo quule aadan dool buuga ay ka dhinteen ee ay arab u qoreen akhrista inta aad leedihiin waxa aanu wadana muuse biixi,Arab iyo ina biixi waa aad ogaydeen halka ay kala tagnaayeen quule iyo dayib buu cunay oo dhag weynaha maanta nool iyo ina kaahin waa wacdale qabe hadii eebe idmaayo waxa aan idin leyahay nin baa ino madaxweyne ah oo ino musharax ah waana axmed Cabdi kijaandhe Inan gumaydnimada iyo gunimana arab ha u soo hoynina waxa la idinka rabaa gobanimo arab nin baynu sharaxanay kaasa inoo sharaaxan oo sheekh ,shariif iyo suldaanba ay isku raaceen,Waxii dhafsiisan ninkii la imanaya taariikhduna way qori kadhkana waanu ka qaadi .
Waliiba waxa aan calaamadinaya oon u sheegaya raga qaar aan toos ula hadlayo marka laga hadlayo kulmiye aniga ciid iga kulmiyaysan majirto aana abuuray ilaahay ka sakaw xasan siciid waxaan leeyahay xubnimada iyo kursigan xoghaynimada xisbiga waxa ku dhintay laba nin oo araba adeer kanada kala mad iiman hadyaadna lagu ma siin magac arab ayaa lagugu siiyay hadaad dhaafto inta arabna xoghaye uma tihiid kulmiyana uma tihiid kadhkaanu kaa qaadi.
ninka qabo la yidhaahdo isna waxaan leeyahay arab hido iyo dhaqan midna uma leh guulwadayn aan caqli fayaw ku fadhiyin waxaan kaaga digayaa guulwadaynta muuse biixi waar muuse waa kaad shalay caayaysay ee aad leedahay shaanidda magaaladda ka daa goormaad sidan foosha xun u caashaqday
Najax siyaadna laga ma filayn in aad tidhaahdo baribaa ina biixi na casuumay kamanan filayn waxa aan hadalkayga ku soo gaba-gabaynayaa madhici karto arab meel buu maray meel buu isku raacay ina biixina ma iman karo .
Waxa aan fariin u dirayaa muuse biixi waxa aan leyahay sid sidida mooye dhul dhacaaga hubso suldaan maxamed suldaan faraax suldaankii guud ee arab dhulkii uu ku laaha jig jigayar waxa aad ahayd ninkii ka qaaday guryahana ka dhistay baad ahayd anagoo kaa qaadi karna ayaanu hadana nidhi taariikhda ha u gashee ha u dhawaanina nasiib wanaag taariikhdu waa ay ku haysa caawa oo ugu danbaysay oo gobalkii hawd ka soo xarooday boorama oo hargeysii na soo dhawaaysay gabiley iyo boorama ayaad ciyaal yar yar noo galisay jig jiga yar waana kugu ceeb iyo foolxumo arinkaasi
Kaasa maanta odhanaya dalkan u talinayaa qarnka iyo dadkaba ka xishood hadalna waa kii suldaan maxamed dhameeyay ee yidhi nin askariyi noo talin maayo
ugu dambayntii mujaahid cali cabdi cilmi (Cali Curri) ayaa muuse biixi uga digay docadocaynta uu ku hayo beelaha arab waxaanu sheegay hadii uu degdeg u joojin waayo waxa uu wado in loo wada joogi doono talaabadda aanad mahadin doonin ee aanu qaadno.